Banaan bax looga soo horjeedo shirka Jowhar oo ka dhacay Beledweyn (Sawirro)

Wararka Maanta

Banaan bax looga soo hor-jeedo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo lagu wado inuu dhowaan dib uga furmo magaalada Jowhar ayaa saaka ka dhacay magaalada Beledweyn.

Banaan baxan oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal qof oo badnaa ardayda iskuulada ayaa waxaa socod ku mareen wadada dheer ee laamiga.

Dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ay kaga soo hor-jeedaan shirka Jowhar.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay dibad baxa oo isugu jiray odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin hore iyo haweenka ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan shirka, isla markaana aysan aqbali doonin in Hiiraan lagu daro Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in maamul u gaar ah ay dhisanayaan, kana madax banaan maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Mid ka mid ah okay dhaqameedyada ka hadlay banaan baxa ayaa sheegay inay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka.

Banaan baxan ayaa intii uu socday ayaa waxaa hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii ganacsi iyo isu socodka, iyadoo ay jirtay dareen dadka ka qabeen in banaan baxa uu noqdo mid rabshado wata.

Duubabka dhaqanka uu hoggaamiyo Ugaas xasan Ugaas Khaliif ayaa horay uga soo hor-jeestay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo muddo 8 bilood hakad ku jira.

banan-bax banan-bax1

banan-bax2 banan-bax4 banan-bax5 banan-bax6 banan-bax7 banan-bax8

Comments are closed.