Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Sh/Hoose

Wararka Maanta

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay saaka weerar ku qaadeen degaanno ay hore ugu sugnaayeen kooxda al-Shabaab, kuwaas oo dhinaca galbeeed ka xiga degmada Afgooye.

Wararka aynu ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ciidamadan dawladda Soomaaliya ay qabsadeen degaanka Mubaarak, Sabiid, Mareeray iyo weliba Awdheegle, welina uu hawl-galku socdo. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee uu dagaalkaasi sababay.

Ciidankan waxaa la sheegay inay iskugu jiraan ciidamada milatariga Soomaalida iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Warar aysan weli saraakiisha Soomaalidu xaqiijin ayaa sheegaya in ciidankan ay weheliyeen la-taliyayaal ajaanib ah inkastoo aan si madaxbannaan taasi loo xaqiijin.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay ciidanka dawladda Soomaaliya ay qabsadaan degaannadaas, iyagoo dhowr jeer oo hore tagay kidibna dib uga soo gurtay.

Saraakiisha dawladda ayaa hawl-galkan ku macneeyey mid lagu bur-burinayo fadhiisinka iyo tasiilaadka ay al-Shabab ku leeyihiin degaannadaas.

Xigasho: VOA