Wararka saakay oo Sabti ah ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanka Bariire ee gobolkaasi.
Wararka waxay sheegayaan in ciidamadan ay saakay ku jarmaadeen halkaasi, waxaana jirta iska caabin kooban oo ay kala kulmeen dagaalyahannada Al-shabaab, walow aan khasaare lasoo sheegin.
Al-shabaab ayaa la sheegay iney isaga baxeen deegaanka Bariire, waxaana sidoo kale deegaankaasi hadda ka socda barakac ay sameenayaan dadka shacabka ah.
Goobjoogayaal yaa inoo sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay bilaabeen iney degaan dhowr meel oo deegaankaasi ah.
Xili qaar waxaana dhacda in Ciidanka Dowlada iyo kuwa Amisom degaano iyo degmooyin ay ka qabsadaan Al-shabaab dib iskaga baxaan hadana ay Al-shabaab markale la wareegaan taasoo oo dadka rayadka ah ay dhibaato kuqabaan.