Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxiixa Olivier Giroud

Ciyaaraha

Chelsea ayaa ku dhawaaqday saxiixa weeraryahanka reer France Olivier Giroud oo ka yimid Arsenal heshiis 18 bilood ah.

Giroud, oo 31 jir ah, ayaa xiran doona lambarka 18-aad ee kooxdiisa cusub, waxaana la fahamsan yahay in lacagta lagu iibiyay ay tahay £ 17.5m.

Wargeyska ayaa sheegaya in Arsenal ay ku dhawaaqday saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang oo ka yimid Borussia Dortmund.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa haatan xaqiijisay inay soo qabteen ciyaaryahanka  105 gool 253 kulan oo uu u saftay u dhaliyay Arsenal.

Giroud ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee Chelsea: “Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha waa weyn ee Premier League, waxay ku guuleysteen koobabka ugu guulaha badan lixda ama todoba sanno ee ugu dambeysay, waa koox weyn, waan ku faraxsanahay inaan u saxiixo Chelsea, Waxaan rajeynayaa inaan ciyaaro. ”

Dhanka kale agaasimaha Chelsea Marina Granovskaia ayaa hadalkiisa raaciyay: ‘Olivier waa ciyaaryahan tayo leh oo heer sarre ah, waana ku faraxsanahay inaan ugu yeero ciyaaryahan Chelsea ah.

“Waxa uu goolal badan ku dhaliyay inta badan xirfadiisa ciyaareed wuxuuna si fiican u bartilmaameedsaday kubada cagta Ingariiska iyo Premier League, waan hubnaa inuu noqon doono saxiix cajiib ah.”

Saxiixa Giroud ayaa u ogolaaday Michy Batshuayi inuu ka tago Stamford Bridge si uu ugu biiro Borussia Dortmund.