Geeridda Amaanduuliihii Ciidanka XD Qaybta 12 April oo la xaqiijiyay

Ugu yaraan saddex askari, ayaa ku dhintay mid kalena wuu dhaawacmay, ka dib markii Shabaabka ay wadada u galeen gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka oo maraayay duleedka Degmada Balcad. Weerarkan, ayaa waxa uu maanta ka dhacay deegaan 10km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in […]

Continue Reading

Khayre”Dadka diidan Horumarka Dalka waxay Saaxiib la yihiin 27-kii sano ee lasoo Dhaafay

Fariintaan oo u muuqatay in Ray’iisul Wasaare Khayre uu u dirayay Mucaaradka Xukuumaddiisa ayuu ku Sheegay in dadka Doonaya in Qabyaalad wax lagu Maamulo ay yihiin kuwo ka Shaqaynaya in aan lagaarin wax Hormar ah Islamarkaana Doonaya in Gadaal loo Socdo waxuuna Sheegay in dadkaasi Saaxiib la yihiin 27-kii Sano ee Dalku Burburka iyo Dhibaatada […]

Continue Reading

Ray’iisul Wasaare ku Xigeenka oo Sheegay in lagu dhawaaqayo Xisbi uu hugaaminayo Farmaajo

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaaddo illaa 7 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo horay isku diiwaan-geliyay, taasoo rasmi ka dhigtay in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaam xisbiyo badan kadib 48 sano. Mahdi Maxamed Guuleed Ray’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay Munaasabadda Shahaadooyinka lagu sii nayay Xisbiyada ayaa Sheegay in dhawaan lagu dhawaaqi doono […]

Continue Reading

Fargeeti oo beeniyay hadalkii RW Kheyre

Wasiirkii hore Maaliyadda ee Xukuumaddii hore Maxamed Aadan Fargeeti ayaa sheegay in markii uu xilka wareejinayay ay ugu tageen Qasnada dowladda in ka badan 5-milyan oo dollar. Hadalkan ayaa jawaab u ah hadal xalay ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa markii xilka loo magacaabayay uu ugu yimid, iyadoo aanay Qasnada dowladda […]

Continue Reading

(Sawiro)Xuska Naafada Aduunka oo Muqdisho lagu qabtay

Sadexda december  oo ah Maalinta Caalamiga ee Naafadada Aduunka ayaa munaasabad lagu xusayey oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka,Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo Dastuurka, waxaana loogu talo galay in lagu dhiiro galiyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha […]

Continue Reading

Galmudug iyo Ahlu sunna oo heshiis gaaray (Sawirro)

Dowlad goboleedka Galmudug iyo garabka Ahlu sunna ayaa goordhow dalka Jabuuti ku kala saxiixday heshiis horudhac ah kadib 8 maalmood oo ay ku sugnaayeen dalka Jabuuti. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaha Ahlu sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa labada dhinac u kala saxiixay heshiiska. Heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa […]

Continue Reading

Daawo Video : Beerta Magool ee ku taala Magaalada Cadaado

Beerta Magool #Cadaado oo aan booqanay maanta, waxa aan kula kulanay Daahir Cabdille Xasan Guutaale, waa nin dhalinyaro ah oo ku fikiray inuu beer ka sameeyo Cadaado, firkiisa hadda waa miro dhalay, Beertaan waxaa ku beeran 320 geed oo Liin dhanaan ah , Cambe, Qare, Baamiye, Masago, Galey iyo Calafka Xoolaha. saaka ku dhawaad 50 xabo oo […]

Continue Reading

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo Muqdisho ka furmaya

Sida uu qorshaya yahay, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadli doono amniga guud ee Qaranka. Shirkan waxaa yeelanaya golaha amniga qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne Maxamd C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana looga hadli doonaa dardargelinta howlaha amniga guud ee Soomaaliya. November 5, […]

Continue Reading

Faallo:Itoobiya iyo Israel yaa Somalia u daran

Soomaali badan ayaa aqbaar fiican ku sheegay inuusan madaxweyne Farmaajo la kulmin ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, labadda nin ayaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii madaxweynaha Kenya, sida aan xogta ku heyno ma jirin kulamo qaas ah oo qorshaha ugu jiray madaxweyne Farmaajo. Laakiin waxaan fahmi waayay colaadda ka dhaxeysa Somalia […]

Continue Reading

Asbuuc Gudihiis Ganacsadihii Sadexaad oo Soomaali ah oo lagu dilay South Africa

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in koox hubeysan ay ku dhex dileen gaari uu watay xili uu kusii jeeday Dukaankaankiisa oo ku yaalay deegaanka Khayelitsha ee hoosyimaada magaalada Cape Town ee dalka South Africa. Shaqsiga la dilay ayaa waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Cape Town iyo nawaaxigeeda, waxaana lagu […]

Continue Reading