Madaxda Galmudug oo taageeray inay Cadaado noqoto Xarunta Barlamanka (Video)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, wasiiro, iyo xildhibaano ayaa taageeray ansixinta Barlamaanka Galmudug in Magaalada Cadaado noqoto xarunta Barlamaanka Galmudug. Masuuliyiinta ayaa la hadlay dadweyne isugu soo baxay afaafka hore xarunta ay ku shirayeen Barlamaanka Galmudug. halkaan hoose ka daawo  Muuqaalka. Share gare

Continue Reading

M. Xaashi iyo Cali Gacal oo u ambabaxay Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo tiro xildhibaano ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Madaxdan ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado, waxaana Madaxweyne ku xigeenka oo taleefanka kula hadalnay inoo sheegay in ujeedada safarkoodu yahay ka qeyb gal wadahadal ay dowladda federaalka ah […]

Continue Reading

Barlamaanka Galmudug oo ansixiyey in Cadaado noqoto Xarunta Barlamaanka

Barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado ku yeeshay kalfadhiga 7aad fadhigiisa 2aad, waxaana soo xaadiray 46 xildhibaan, waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Ajendaha fadhiga ayaa ahaa ansixinta wareegtadii horey ay u soo saaren Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo aheyd in […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf oo gordhow ka dagay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho, Madaxweynaha ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug oo uu maalmahana ku sugnaa. Ma cadda u jeedada safarka Madaxweynaha, inkastoo wararka qaar sheegayaan in arimo u gaar ah u aaday Muqdisho, Ma jirin Masuuliyiin […]

Continue Reading

Madaxweyne ku xigeenkii Ahlu sunna oo isaga baxay Dusmareeb (Video)

Madaxweyne ku xigeenkii Maamulkii Ahlu sunna Gobolada Dhexe Xasan Maxamuud Warsame ayaa isaga baxaya magaalada Dusmareeb, isagoo tagay magaalada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud. Mr Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cabudwaaq ayaa sheegay in Madaxda Ahlu sunna ay isku khilaafeen habkii loo maray midowga Ahlu sunna iyo Galmudug, isagoo sheegay in aan laga talo […]

Continue Reading

Cadaado: Kalfadhiga 7aad fadhigiisa 1aad ee Barlamaanka Galmudug (Sawirro)

Barlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku shiray xarunta kafaalo Magaalada Cadaado, Waxaana shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, fadhigan oo ahaa kalfadhiga 7aad fadhigiisa 1aad ee  ee Barlamaanka Galmudug ayaa Waxaa soo xaadiray 46 xildhibaan, waxaana  looga dooday ajandayashan: Furitaanka Kalfadhiga Dhageysiga Guddiga Barlamaanka in Xukuumaddu soo gudbiso sharciyada laga sugayo. Xildhibaanada […]

Continue Reading

Xogta: Gabadh u shaqeynaysay ICRC oo laga soo Afduubtay Muqdisho

Sonja Nientiet oo ah gabadh u dhalay dalka jarmal ayaa 8-da Fiidnimo Arbaco 2 Bisha May 2018, waxaa koox hubeysan ka afduubteen xarunta hay’adda ICRC magaalada Muqdisho. Ninka Afduubka hogaaminayey ayaa u shaqeynayey isla hay’adan ICRC waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamuud Maxamed Calas, Dhalasho ahaan waxa uu ka soo jeeda gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada […]

Continue Reading

Daawo Video : Warbixin Iskaashatada Anfac ee Beeraha & Xoolaha

Daawo Video aan idinkaga diyaarinaya iskaashatada Anfac, oo ah iskaashato xoolo dhaqato- Beeraley. Gudoomiyaha iskaashatada Cabdiraxmaan Abshir Cabdi ayaa ka waramaya horumarka ay gaareen iyo caqabadaha heysta. Iskaashatada Anfac Waa Iskaashato Xoolo Dhaqato- Beeraley ah #Cadaado #Galmudug #Somalia Fiiro gaar ah: Ujeedada aan u sameyno muuqaalada nuucaan oo kala ah waa dhiirigalinta beeralayda Galmudug. Fadlan […]

Continue Reading

Daawo: Magaalada Cadaado si weyn looga Ciiday

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyada oo aysan wax khilaaf ah, Masaajidda goobaha Barxadaha ayaa lagu oogay salaadda ciida, waxaana Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal Bulshada kala qeyb galeen Tukashada Salaadda fagaaraha Masjidka Tabliiqa. Madaxda oo salaadda ka dib goobta ka hadlay ayaa […]

Continue Reading