Ciraaq:Daacish oo Gacantooda ay ka bixi rabto Magaalada Tal-Caraf

Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa gudaha u galay inta badan magaalada Tal-Cafar ee dhacda Waqooyiga Ciraaq, halkaasi oo ahayd magaaladii ugu dambeysay oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Daacish. Jeneraal Cabdul Amiir Yarallah oo kamid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgaladaasi ayaa sheegay in dagaal socoday 6 maalmood  kadib ay suuro gashay in ciidamadooda  falaagada argagixisada […]

Continue Reading

Duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo Dowladda oo ku dhawaaqday musiibo Qaran

Cabsi iyo wal wal xoogan ayaa ka taagan qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka, kadib markii Duufaanta loo yaqaano  Harvey ay gabaldhicii Jimcihi ku dhufatay  xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay musiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan. Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu saxiixay […]

Continue Reading

Angola oo maanta loo dareerayo doorasho guud

Dalka Angola maanta waxaa loo dareerayaa codbixinta doorashada guud ee dalkaasi. Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya shakhsigii badali lahaa madaxweyne Jose Eduardo Dos Santos oo hadda xilka isaga dagaya ka dib 38 sano oo uu dalkaasi soo xukumayay. Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda hadda jirta Joao Lourenco ayaa la saadaalinayaa in uu si weyn ugu guuleysan doono doorashadan. […]

Continue Reading

Australia: Rag loo maxkamadaynayo in ay weerareen masaajid

Saddex nin ayaa maxkamad la oo soo taagay in ay gaysteen dambiyo argagixiso ka dib markii lagu eedeeyay in ay gubeen masaajid ku yaalla magaalada Melbourne. Labada weerar ee lagu eedeeyay in ay ka gaysteen magaalada ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin Shiicada, arrintaas ayaana la sheegay in ay dhiirigalisay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, […]

Continue Reading

Booliska Spain oo toogtay ninkii ka dambeeyay weerarkii Barcelona

Booliska Spain ayaa xaqiijiyay inay toogteen ninkii ka dambeyeay weerarkii Barcelona lagu qaaday khamiistii la soo dhaafay, kaddib howl gal ay maalmahan ku baadigoobayaan. Younes Abuu Yacquub ayaa ahaa ninkii madaxda u ahaa kooxdii weerartay dalkaas, waxaana uu ka dambeeyay dilka 13 ruux oo u adeegsaday baabuur ku jiirsiiyay goob dadka dalxiisayaasha u badan yihiin. […]

Continue Reading

USA”Dad wayne diiddan cunsuriyadda oo isugu soo baxay Boston

Kumannaan qof ayaa mudaharaad kala hortagay kooxo cunsuriyiin ah oo dibed bax ay ugu magac dareen “Xoriyadda Hadalka” ka dhigay magaalada Boston ee dalka Maraykanka. Kooxaha cunsuriyiinta oo tiradoodo ay koobneyd, ayaa waxaa buuq iyo canaan kala hortagay dad diiddan afkaartooda xagjirka ah, waxaana markii dambe goobta ka waday booliska. Xiisad salka ku haysa cunsuriyadda […]

Continue Reading

Madaxii istaraatiijiyada Aqalka Cad ee Mareykanka Steven Bannon oo xilkii laga qaaday

Bannon oo ka mid ahaa dadka uu sida weyn u dhageysan jiray madaxweyne Trump ayaa afkaartiisu ay u janjeertaa dhinaca midigta fog, waxaana lagu tilaamaa inuu ka danbeeyay siyaasaddaha nacaybka ku dhisan ee aqalka ka soo baxayay tan iyo markii madaxqweyne Trump uu xilka ku guuleystay.   Banon ayaa dib ugu noqday warbaahinta Breibart oo […]

Continue Reading