Carabey” DF waa Saxantahay inay Joojiso Lacagtii Galmudug

Wararka Maanta

Iyada oo dhowr mar uu ku cel celiyey Madaxweynaha Galmudug Garabka Gaalkacyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka jaratay lacagihii ay siin jirtay ayaa waxaa in lacagaha laga jaro Galmudug taageeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Garabka Cadaado Maxamed Xaashi Carabeey.

Isaga oo la hadlayay mid ka mid ay TV-yada ku hadla afka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu isaga taagersan yahay in dowladda Federaalka ay joojiso lacagaha ay siiso Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay laba  midood lacagta ku dhiibto oo ah in lacagta loo qeybiyo labada garab ee u kala qeybsan yihiin Galmudug in dowladda ay sameysato Guddi dhex dhexaad ah oo dowladdu magacaawdo,kuwaas oo la socda halka ay lacagtaasi ku baxeyso ama in lacagta ay kajoojiso Galmudug.

“Horta aniga Shaqsiyan waan taagersanahay in Galmudug lacagta laga joojyo,Galmudug Xaaf kaliya maahan,hadii kale dowladda waxaa u furay Saddex Go’aan inay lacagta dowladda ku bixiso ama ay iska joojiso ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.”

Waxa uu ka digay sida uu sheegay in lacago ay dowladda bixiso in loo adeegsado kicinta Bulsho laguna abaabulo maleeshiyo beeleedyo sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug ayaa weli taagan,waxaana Madaxda ugu sareeysa ay kala degan yihiin Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.