Cali Cosoble”wiixi Jowhar ka dhacay Riwaayad an u arkaa aniga ayaa ah Madaxwaynaha saxda ah

Wararka Maanta

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa qaadacay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar, isagoo ku tilmaamay inay aheyd ruwaayad.

Cali Cosoble oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa la soo xiriiray Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho, isagoo sheegay in doorashadii maanta ka dhacday Jowhar ay aheyd mid sharci darro ah, isagoo ku adkeystay inuu wali yahay Madaxweynaha sharciga ah.

“Waxaa u arkaa wixii maanta ka dhacay Jowhar, ruwaayad been abuur, wax ka jira aysan aheyn, mana ahan wax sharci ku fadhiya, aniga ayaa ah Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad goboleedka Hirshabeelle”ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble

Mr Cosoble ayaa sheegtay in magaalada Jowhar looga soo saaray qori caaradii, isla markaana mooshinkii xilka looga qaaday uu ahaa sharci darro, isagoo tilmaamay in maalintii mooshinka la keenay maalinta kale ay ku xigtay in laga qaaday, taasoo uu xusay in aan loo marin wado sax ah, maadaama ay aheyd in isaga oo fadhiya, sanaadiiqda codka oo goobta la dhigayo, warbaahinta iyo Baarlamaanka Hirshabeelle oo fadhiya loo codeeyo mooshinka, balse qaabka ay u dhacday ay aheyd sidii afgambi oo kale.

“Aniga qori caaradii ayaa leyga soo saaray Jowhar, nin xoog loo sheegtay ayaa ahay, hal boolina nirig xalaal ah ma dhasho, wixii maanta meeshaas ka dhacayna waa baadil, waxaa leeyahay yaan sharciga la jebin oo aan loo horseedin in dowlad goboleedka uu bur buro”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta u doortay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday Jowhar, waxaa uu ku guuleystay codod dhan 74 cod, halka Musharaxii la tartamayay Daahi Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bishii October ee sanadkii hore la tartamay Cali C/laahi Cosoble, iyadoo xilligaas u doorashada ku guuleystay Mr Cali C/llaahi Cosoble.