Cabudwaaq: 4 Qof oo ku dhintay rasaas lagu furay goob raashin lagu qeybinayey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Afar qof ayaa ku dhintay 9 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii nin  hubeysan uu rasaas ku furay goob raashin laga qeybinaayay degmada Caabudwaaq.

Ninka Rasaasta furay ayaa la sheegay inuu doonayey inuu dhaco raashinka, Saxafi ku sugan degmada Cabudwaaqo oo aan la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyey dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan dadkii goobta raashinka lagu qeybinaayay dhoobnaa.

Mas’uuliyiinta degmada Caabudwaaq ayaa la sheegaya in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay Falkaasi. dhaawacyda ayaa la dhigay goobaha caafimaadka degmada Cabudwaaq.

Cabudwaaq ayaa waxaa ku soo laalaabta falalka dilka dadka rayidka, mana jiro maamul si buuxda gacanta ugu hayo dhamaan xaafadaha magaalada, Galmudug, Ahlu sunno iyo Liyuu Boolis ayaa ciidamo ka joogaan magaalada. labadii sano ee ugu dambeeyey waxaa lagu dilay waxgarad farabadan.