Cabdullaahi Baarleex oo isku soo sharaxay madaxwaynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxwaynihii maamulkii Ximan iyo Xeeb C/llahi Cali Maxamed Baarleex oo ka mid ahaa dadkii aas aasay dawlad goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu u tartami doono xilka madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug oo dhawaan la filayo in la qabto doorashadiisa.

Baarleex-Ximin-iyo-XEEB

Ilo ku dhaw Mr Baarleex ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu go’aansaday ka mid noqoshada dadka u baratamaya xilka ugu sareeya Galmudug, ka dib markii uu is casilay C/kariin Guuleed oo 19-bilood ee la soo dhaafay Galmudug madaxwayne ka ahaa.

C/llahi Cali Maxamed Baarleex ayaa hadda ku sugan dalka ingiriiska, halkaas oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada, waxaana dhawaan la filayaa inuu soo gaaro deegaanada Galmudug.

Baarleex ayaa muddo saddex sano ah madax ka ahaa Maamulkii Ximan iyo Xeeb, waana ninka iska lahaa fikradda dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin dadka daga gobolada dhexe.