Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin CabdiCasiis oo xilka ka dagaya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Boqorka Sucuudi Carabiya Salmaan Bin CabdiCasiis ayaa la filayaa inuu todobaadka soo socda ka dago jagada Boqortooyada, isagoo xilka ku wareejin doona Wiilkiisa 32 jirka ah  Maxamed Bin Salmaan, oo dhawaan u magacaabay dhaxal suge. Boqor Salmaan ayaa la filayaa inuu haysan doono Magaca u adeegaha labada Xaram, isagoo howsha siyaasadda ku wareejin doono wiilkiisa Maxamed.

Dhanka Kale Maxamed Bin Salmaan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay xirxiray ilaa 40 xubnood oo ka tirsan qoyska reer Boqor, isagoo ku eedeyey inay Musuq ku kaceen, inkastoo oo dadka siyaasada falanqeeyaa cadeeyeen inuu arintaan uga gol leeyahay sidii uu u baneysan lahaa jidka kursiga Boqortooyada.

32 jirkaan ayaa la soo baxay Awood siyaasadeed, isagoo la filayo kolka uu xilka la wareego inuu xoogga saari doona sidii uu uga hortagi lahaa awoodda Iiraan ku leedahay gobolka Bariga Dhexe, sidoo kale waxaa la filayaa inuu dagaal la galo ururka Xizbullaah ee ka dagaalamana dalalka Lubnaan iyo Syria.

Sidoo kale Maxamed Bin Salmaan ayaa lagu xantaa inuu xiriir wanaagsan la leeyahay Israa’iil, waxaana sidoo kale xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Sucuudiga ayaa u muuqda inuu cagaha la galayo xifaaltan siyaaasadeed oo ay suurtagal tahay inuu isku badalo dagaal dhiig badan ku daato Mandiqadda Bariga Dhexe.

Isha: Dail Mail