Booliska Cadaado oo qabtay nin lala xariirinayo Kiiskii Xamdi M .Faarax

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Ciidanka Booliiska degmada Cadaado ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane  laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana soo baxsaday magaalada Muqdisho falka ka dib.
Ninkaan la qabtay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho
Saraakiisha Booliska ayaa inoo xaqiijiyey in Eedeysanaahan uu safar dhulka ah kusoo gaaray Cadaado, muddo laba maalmood ah ku sugnaa gudaha Magaalada, isagoo ku dagay xaafad dad ay Qaraabo yihiin.
Sidoo kale Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Gen. Zakia ayaa baraha bulshada ku daabacday in ciidanka Booliska Soomaaliyeed Caadaado ku qabteen eedeysanahaas oo ka mid ahaa rag lagu raadjoogay oo kasoo baxsaday Muqdisho kadib markii lagu eedeeyey inay fal kufsi ah u geysteen gabar yar oo sanadkaan ka qalinjabisay dugsiga sare.