Ciidamo Booliis ah oo ka tirsan AMISOM ayaa saaka gaaray Magaalada Baraawe ee xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana Magaaladaasi laga dajiyay diyaaarad sidday Ciidanka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sababta Ciidankaasi loo geeyay Baraawe ay tahay in la doonayo in ay qayb ka noqdaan sugidda ammaanka doorashooyinka dalka, oo dhawaan la guda gali doono doorshada Aqalka hoose.
Degmada Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana todobaadkii hore booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashada.
Dhanka kale Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug waxaa saaka ka degay Ciidan ka socda Booliska AMISOM, kuwaasi oo iyaguna qayb ka ah sugidda ammaanka doorashooyinka golaha shacabka.
Sidoo kale wararku waxaa ay intaas ku darayaan in maal maha soo socda la doonayo in Magaalada Dhuusamareeb lagu daabulo Ciidamo farabadan oo ka socda AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya, kuwaasi qayb ka ah ammaanka doorashooyinka dalka.