Barlamaanka oo diiday go’aankii Maxkamadda Sare 8 Kursi ku laashay

Wararka Maanta

Kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,waxana qodobadii Maanta looga hadlayay ka mid ahaa dood ku saabsan 8dii Kursi ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay Maxkamada sare horay u laashay Doorashadooda.

Dood dheer iyo falanqeyn kadib Xubnaha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday in Xubnaha Golaha Shacabka ee 8da ah ee Maxkamadu laashay 26,kii Bishii May  iyo Go’aanka laga qaadan karo.

Ugu dambeen Xildhibaanada ayaa Cod aqlabiyd ah ku ansixiyay in Xildhibaanadaas ay yihiin kuwo ansax ah islamarkaana Go’aanka Maxkamada Sare ay ku laashay uusan waxba ka jirin.

Kulanka waxaa xaadiray 184 mudane, waxaana diiday go’aanka Maxkamadda Sare 180 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 4 xildhibaan.

8 Xildhibaan  ee kuraastoodu muranku ka taagnaa ayaa kala ahaa:

  1. Cabdullaahi Maxamed Shaacir -Koofur Galbeed
  2. Cabdi Casiis Saalax Carmaan – Banaadir
  3. Sharmaake Garaad Saleebaan – Puntland.
  4. Maxamed Axmed Abtidoon -Galmudug.
  5. Samra Ibraahim Cumar – Koofur Galbeed.
  6. Muna Khaliif Sheekh – Koofur Galbeed.
  7. Nadiif Aadan Isaaq – Koofur Galbeed.
  8. Maxamed Siciid Cabdullaahi – Koofur Galbeed.