Baarlamaanka Galmudug oo maanta fadhi ku yeeshay xaruntooda magaalada Cadaado ayaa magacaabay guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ka kooban 12 xubnood, Guddigan ayaa gudoomiye u doortay Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle, Gudoomiye ku xigeen Xildhbaan Boosteeyo Jaamac Cali, halka ay xoghaye u doorteen Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen.
Dhanka gudoomiyaha Barlmaanka ayaa ka dalbaday gudigaan in ay dedejiyaan howlahooda maadaama uu waqtigu kooban yahay, Waxaana la filayaa in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 10 bisha April.
Shaqada laga sugayo guddigaan ayaa waxaa ugu horeeya inay soo bandhigaan shuruudaha laga doonayo qofka soo doonanaya xilkan.
Baarlamaanka Galmudug ayaa ku gacan seyrey codsi uu hore ugu gudbiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kaasoo ahaa inay dib u dhigaan doorashada 45 maalmood.