Daafacii hore ee Manchester City Bacary Sagna ayaa lagu soo waramayaa inuu dalabyo ka helay kooxa badan oo England ka dhisan, ka hor inta uusan go’aan ka gaarin kooxda cusub uu ku biiraayo.
Dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, Sagna seddexdii sano ee uu joogay Etihad Stadium soo dhamaaday, lakiin daafaca buuxa ayaa weli lala xiriirinayaa naaiyo kale.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay jariirada Daily Mail, kooxaha England, Talyaaniga, Portugal iyo Turkiga ayaa dhamaantood doonaya inay ku daraan ciyaaryoydooda laakin waxaa la fahamsanyahay in xidiga reer Faransa uu wali go’aan rasmi ah ka gaarin mustaqbalkiisa.
Inkastoo Sagna lala xiriiriyay Brighton & Hove Albion, Crystal Palace iyo West Ham United, kooxda horyaalka Serie A ee Torino, labada koox ee reer Portugal Benfica iyo Sporting Lisbon, Besiktas iyo Bursaspor ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xiisahooda ku aadan daafaca.
34 jirkaan ayaa 10kii sanno ee ugu danbeysay ee xirfadiisa ciyaareed ku qaatay England, isagoo 267 kulan u saftay Premier League.
W/Q Hafsa Haji