Baarlamaanka Puntland oo maanta codka kalsoonida uqaadaya Xukuumada cusub

Wararka Maanta

Xukuumada cusub ee maamulka puntland oo uu dhawaan soo dhisay  Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo sabdi ah lagu wadaa in la horgeyo, golaha wakiilada dowladda Puntland, si ay xasaanadda u siiyaan.

Mudanayaasha golaha wakiilada, ayaa  wadar ahaan  codka kalsoonida ugu qaadaya xukuumadda cusub, kadib markii la hor geeyo, si ay u ansixiyaan ama u diidaan.

Golaha wasiirada Maamulka puntland ayaa ka kooban 48 xubnood oo isugu’ jira wasiiro, wasiiro-ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal, waxaana la filayaa in ay codka kalsoonida helaan, maadaama ay badanyihiin xildhibaannada taageersan.

Hase yeeshee, waxaa jira mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo dhaliilsan,  habka dheelli-tirka awood-qeybsiga beelaha ee xukuumadda cusub, kuwaaso oo diiddan in la ansixiyo