Axmed Madoobe oo la kulmay Raiisal Wasaaraha Itoobiya

Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa waxaa Madaxweynaha Jubbaland ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish, Wasiirka Dastuurka Aadan Aw Xirsi.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa wada qaatay kulan is xogwareysi ah.

Xalay ayaa casho sharaf loogu sameeyay Magaalada Addis Ababa, Wafdiga uu hoggaaminaayay Madaxwyenaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul Goboled oo la kulma Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya.