Author: admin
Galmudug: Jadwalka Doorashada 2 Kursi Aqalka sare ee BFS
Guddiga Doorashada heer Dowlad goboleed Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada 2 Kursi Aqalka sare ee BFS ee Galmudug.
Continue ReadingBeesha Caalamka oo ku baaqday in deg deg loo bilaabo doorashada Golaha Shacabka
Saaxiibada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo. Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad […]
Continue ReadingSimon Mulongo oo ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya
Mr. Simon Mulongo oo ah ku xigeenkii safirka midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo muddo toddobaad ah loo qabatay inuu uga baxo dalka. Mr Mulongo oo xalay isagoo ku sugan Muqdisho khadka telefoonka kula hadlay wargeyska monitor ee kasoo baxa Uganda, ayuu u sheegay in ay wax lala yaabo ku noqotay go’aanka ay ka qaadatay Soomaaliya, […]
Continue ReadingMareykanka oo Digniin u diray Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya
Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Dalka Itoobiya ayaa Qoraal ay soo saartay waxa ay digniin u jeedisay muwaadiniinteeda Dalkaasi ku nool oo ah inay yareeyaan isu socodka iyo dhaq dhaqaaqa magaalooyinka dalka Itoobiya. War-saxaafadeedka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa lagu xusay in xaaladda amaan ee dalka Ethiopia ay […]
Continue ReadingDowlad Deegaanka Soomaalida oo si adag uga hadashay Gulufka TPLF
War-saxaafadeed ka soo baxay kulan deg-deg ah oo ay yeesheen golaha hawl-fulinta Dawlada deegaanka Somaalida “Sida la wada ogsoonyahy soddonkii sano ee la soo dhaafay kooxda TPLF waxa ay shacabka Deegaanka Soomaalida u geysatay mahadhooyin ballaadhan iyo dhibaatooyin baaxad leh; dhibaatooyinkasina bulshada Soomaaliyeed si dhab ah ayay uga wada dharagsan yihiin. Gafafkii ballaadhnaa […]
Continue ReadingXaaladda colaadda Dalka Itoobiya
Dawlad deegaanka Oromiya ayaa ugu baaqay dhammaan madaxda dawlad deegaankaas inay si hagar la’aan ah u hoggaamiyaan halganka oo ay u huraan “wax kasta oo lagama maarmaan u ah guusha”. Waxay sidoo kale ugu baaqeen dhallinyarada iyo sida oo kale dhammaan shacabka deegaanku inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada. Wasiirka isgaarsiinta […]
Continue ReadingShiinaha oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho uga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Fei Shengchao. Maxamed Cabdirisaaq ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaraddiisu ay u fududeyn doonto wixii howl ah Safiirka cusub ee Shiinaha si uu u guto waajibaadkiisa shaqo si […]
Continue ReadingQALAAFE ILAA QARDHO.. Sheekadda Xil. Muxsin!
Dagaal ka qaxiyay Qalaafe , imaatinkiisa Qardho, oo uu Macallin ka noqday iyo labadii maalin ee Doorashada oo uu soomanaa, waa sheekadda Xil. Muxsin! Nolashiisa waxay ku billaabatay dagaallo sakooye oo ka qixiyay deegaankii uu ku dhashay, shan sanno markii u jiray ayaa qoyskiisu ka baxeen Qalaafe oo ka tirsan Dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, […]
Continue Reading