Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne kuxigeenka Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda […]

Continue Reading

Maamulka Gobolka Banaadir oo fara galiyay xiisad ka taagnayd degma Kaxda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa farageliyay xiisad maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay dilal ku saleysan aanooyin qabiil oo u dhaxeeyay labo beelood. Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Dheere ayaa sheegay in kulan ay la qaateen odayaasha dhaqanka iyo […]

Continue Reading

Madaxwayne Farmaajo oo ku wajahan Nairobi

Madaxweynaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamee C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabixi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo uga qeyb galayo Shirka caalamiga ah ee ICPD, waxaana ka socota magaalada Nairobi qaban qaabo lagu soo dhoweynayo. Sida wararku sheegayaan shirka uu ka qeyb geli doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehliya kulan gaar ah […]

Continue Reading

C/wali Gaas oo Farmaajo uga digay abuurista fitno cusub oo dalka saamaysa

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, kana mid ahaa Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray ayaa nasiib daro ku tilmaamay sida loola dhaqmay madaxweynayaashii hore ee soo maray dalka, isagoo ugu baaqay dowladda inay dejiso xiisadaha siyaasadeed. Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in Madaxdii hore ee dalka soo xukumay […]

Continue Reading

Wafdi kasocda Madasha xisbiyada Qaran oo u amba baxay bardaale

Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo sida qeybtii labaad gargaar ay ugu tala galeen dadkii ku barakacay fatahaadaha iyo roobabka ayaa u ambabaxay degmada Bardaale. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoggaaminaya wafdiga, waxaana la sheegay inay sidaan lacag gaareysa $100,000. Shalay ayay aheyd markii wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo […]

Continue Reading

Dowlada federaalka oo ka jawaabtay eedayntii Shariif Shiikh Axmed

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa si taxadar leh ugaga jawaabtay eedeyn kulul uu maanta u soo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay hadalada kulul ee ka soo baxay maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab […]

Continue Reading

Diyaaradii siday wafdigii Madasha Xisbiyada Qaran oo Baladwayne ka dagtay iyadoon cid hagaysa jirin

Diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay hoggaaminayeen wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa goor dhow ka degtay magaalada Beledweyne. Goor sii horeysay ayaa diyaaradda waxay ku sigatay in lagu celiyo Muqdisho, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay soo degi karin. Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay in kooxda […]

Continue Reading

Xasan shiikh iyo Shiikh shariif oo ku xaniban garoonka diyaaradaha aadan cadde

War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii Maamulka Garoonka uu amar ku soo rogay in aanay ka dhoofi karin wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo maanta ku sii jeeda Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in la xanibay […]

Continue Reading

Sawirro:Munaasabadda daahfurka Madasha xisbiyada Qaran oo muqdisho kasocota

Waxaa xilligan magaalada Muqdisho ka socda Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib markii dhowaan Madasha ku dhawaaqday inay yeelatay Hoggaan ay ku mideysan yihiin. Munaasabadda ayaa ka socota Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka […]

Continue Reading