Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo goor dhow shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka u dhaxeeya Golaha shacabka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.
Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka, kaasoo sheegay in Aqalka sare ay soo jeedinayaan in xasiloonidii iyo degenaashaha Golaha shacabka la soo celiyo, isla markaana wax kasta oo la isku haayo lagu dhameeyo si waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka
Waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona xalinta khilaafka.
Magacayada Guddiga Aqalka Sare
- Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi – Gudoomiye
- Senator Mowliid Xuseen Guhaad- Xubin
- Senator Zamzam Ibraahim Cali – Xubin
- Senator Cabdi Xasan Cawaale Qebdiid – Xubin
- Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc – Xubin
- Senator Maxamed-Amiin Sheekh Cusmaan – Xubin
- Senator Muxyadiin Sheekh Cali Jaamac – Xubin
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay khilaafka siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaana ay ku baaqeen in la xaliyo,
Khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareeray, kaddib markii shalay Ciidamo ay la wareegeen Xarunta Golaha shacabka, waxaana shir jaraa’id uu qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in Ciidamada la wareegay xarunta ay isaga amray, wixii hadda ka dambeeya uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.