Alshabaab oo gacanta ku dhigay Keyd Uranium Meel ka mid ah Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ku cad warqad codsi ah oo wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad u diray dowladda Maraykanka ayaa laga digay in Alshabaab xoogga ku haysta qaar kamid ah deegaanada Galmudug ay uranium u dhoofinayaan dowladda Iiraan, taas oo ay dowladdu sheegtay inay khatar ku tahay dunidda dhan. Wasiirka ayaa warqadiisa ku sheegay in Alshabaab gacanta ku dhigeen goob ay ku jiraan keyd balaaran oo Uranium ah deegaanada Galmudug, inkastoo uusan cadeyn magaca goobta.

Mr. Garaad ayaa sheegay in Awoodda ciidanka AMISOM iyo dowladda aysan gaarsiisneyn ka hortagga arimahan, isagoo intaa ku daray in Maraykanku awooddo inuu ka hortago khatartan cusub. Wasiirka ayaa Maraykanka ku beerlaxawsaday in Madaxweynaha Qaranka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heysto dhalashada Maraykanka, sidaas daraadeedna ay dowladu mudan tahay in laga gacan siiyo arintaan.

hoos ka aqriso warqadda oo Ingiriis ku qoran.

 

tagero tagero1