Dhaq-Dhaqaaq Ciidan Oo Saaka Ka Socda Deegaano ka Tirsan Bakool

Wararka Maanta

Ciidamada Dawladda Iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Saakay Dhaq-Dhaqaaq Ciidan Waxa Ay Ka Wadaan Deegaano Iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Bakool Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadan Ayaa Saaka Aroortii Hore Waxa Ay Ka Baxeen Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool Kuwaas Oo Ku Wajahan Deegaano Hoos Taga Xudur Isla-markaana Ay Ku Sugan Yihiin Dagaallamaayasha Al-shabaab.

Ciidamadan Is Garabsanaya Ayaa U Jeedadoodu Waxa Ay Tahay Sidii Ay Al-shabaab Kala Wareegi Lahayeeen Deegaano Dhawr Ah Oo Hoos Taga Xudur isla-markaana Ay Dagaallamayasha Al-shabaab Gacanta Ku Hayaan.

Mid ka Mid Saraakiisha Hor Kaceysa Ciidamadan Ayaa Ceelhuur.com U Sheegay In Hadda Ciidamadu Ku Wajahan Yihiin Deegaanada Ay Ka Mid Yihiin Laaci. Tuudha, Qaana Iyo Deegaano Kale Oo Dhammaantood Hoos Taga Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.

Waxa Uu Sarkaal Tilmaamay In Muddo Al-shabaab Ay deegaanadaan Maamulayeen Balse hadda Wixii Ka Dambeeya Ay ka Go’an Tahay Al-shabaab gebi Ahaanba Laga Saaro deegaanada Ay Kaga Sugan Yihiin Gobolka.

Hawl-galladan Ayaa Waxa Ay Imaanayaan Xilli Bisha Soo Aadan Ee November Doorashada Madaxtinimo Ee Koonfur Galbeed ka Dhaceyso Magaalada Baydhabo Ee Xarunta KMG Ah Ee KGS Waxaana Socda Qorshe Sara Loogu Qaadayo Sugidda Amniga Guud Ee Deeganada Koonfur galbeed Soomaaliya