Akhriso: Guddoomiye Jawaari oo warqad jawaab ah u qoray Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa warqad u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Dahir, warqadan ayaa jawaab u aheyd codsigii uu Xeer Ilaaliyaha soo gudbiyay oo ahaa xasaanad ka qaadid Xildhibaanada kala ah Xasan Macalin iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

 

Guddoonka Golaha shacabka ayaa u sheegay Xeer Ilaaliyaha in aan codsigiisa la horgeyn karin Golaha shacabka, iyadoo aan laga baaraan-degin lana qiimeyn caddeymaha ay xildhibaanada ku eedeysan yihiin, sidaas darteed uu Xildhibaanada uu xasaanada ku weyn karo cod hal dheeri ah kulanka guud ee Golaha shacabka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa maanta hor-tagay Guddiyada Joogtada, iyadoo xubnaha Guddiyada joogtada iyo Guddoonka Golaha shacabka ay su’aalooyin weydiiyeen, isla markaana uusan wax caddeyn ah u soo bandhigin oo ku aadan eedeymaha loo heysto labada Xildhibaan, balse waxaa uu ku adkeystay inuu haayo caddeymo document ah.

Kulanka Guddiga joogtada oo kaga baaraan-dagayo arrimahan ayaa sii socon doona, iyadoo laga soo saari doono go’aano.

Halkan hoose ka akhriso warqada uu Guddoomiyaha Golaha shacabka u qoray Xeer Ilaaliyaha Guud