Akhriso Galmudug iyo Puntland oo 7 qodob ku heshiiyay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulada Puntland & Galmudug ayaa soo gabagabeeyey wada hadalo ku saabsanaa xaaladda Amniga ee gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo heshiis ka kooban 7 qodob ay soo wada sareen labada dhinac.

Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Hotelka Sugulle ee magaalada Gaalkacyo ayay ku go’aansadeen arrimahan, waxaana ka mid ah in laga shaqeeyo nabadda gobalka oo dhan, in la furo jidadka xiran ee dagaaladii ku xirmay, In laga shaqeeyo is dhexgalka bulshada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidaas oo kale wxaaa lasoo qaaday arrimaha ku saabsan dagaaladii ugu dambeeyey oo lagu sifeeyey in ay waajib tahay in aysan mardambe soo laaban.

In labada maamul ay iska kaashadaan, kana wada shaqeeyaan amniga gobalka, si taas loo gaarana waxaa laysku raacay

In la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo u xilsaaran in ay iska kaashadaan arrimaha la xariira sugidda Amniga Gaalkacyo ee labada maamul Puntland & Galmudug, kana howlgalaan dhul daaqsimedka labada dhinac & La dagaalanka Argagixisada.

In si nabad ah loo wada daaqo Naqa,ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan in ay soo galaan dhulka Naqu ka da’ay ee Puntland, si taas loo hirgaliyana waxaa laysla gartay.

In dadka labada dhinac ay si nabad & daganaan leh, kuwada daaqaan Naqan eeba baxshay deegaanada lays kugu imaanayo, ayna Ilaalinta Amniga dhul-daaqsimeedka u xilsaaran yihiin ciidanka isku dhafka ah.

In dadka Galmudug ee u naq raacaya dhanka Puntland aysan waxba hub ah lasoo gali Karin gudaha Puntland, ayadoo looga dan leeyahay in laga dheeraado falal amaan darro.