Agaasimaha Guud & Xoghaya Joogtada W. Qorsheynta DFS oo la magacaabay

Wararka Maanta

Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya ayaa Magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta ka dib Markii xilka laga qaaday Agaasimihii hore.

Wasiirka ayaa sameeyay Magacaabistii ugu horreysay tan iyo Markii uu xilka qabtay , Waxaana horay u dhici jirtay Shaqo joojin lagu sameeyo Agaasimeyaasha , Xoghayaha Joogtada ah ka dib Magacaabis ka dhalato.

Wasiir Jamaal ayaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta u  magacaabay C/qaadir Axmed Warsame, waxaa xilkaas hayay oo laga qaaday Cabdi Diirshe.

Waxaa uu sidoo kale  uu Agaasime u magacaabay Asad Yuusuf Afrax oo ahaa La Taliyihiisa, waxaana booska loo magacaabay horay u hayay C/qaadir Axmed Warsame oo Xoghayaha Joogtada Wasaaradda noqday.