Agaasimaha Guud ee Hay’adda NISA oo is casilay

Wararka Maanta

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.

Warkaan ayaa goordhow lagu daabacay barta Twitterka ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Xog aan helnay ayaa tibaaxaysa in Xuseen Cismaan uu u sharaxan yahay jagada Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed. Waxa uuna taageero ka helayaa Madaxda Dowladda Dhexe.

17 November 2018 ayaa la qorsheeyey in doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ka dhacdo magaalada Baydhabo xarunta kumeelgaarka ah ee maamulkaas.

Taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa noqonaya ku simaha Taliyaha, inta laga soo magacaabayo Taliye cusub.