Africom”Waxaan duqeyn ku dilay 12 ka tirsan Al-shabaab”

Wararka Maanta

Duqeymo xagga cirka ah oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Alshabaab ee duleedka Muqdisho ayaa lagu dilay 12 ka tirsan horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab,sida uu sheegay Taliska Afrocom ee Mareykanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah ay ka fuliyeen deegaanno qayaas ahaantii 30 Miles dhanka Koonfur Galbeed kaga began magaalada Muqdisho,inkastoo aan la sheegin deegaanada howlgalada laga fuliyay.

Taliska Africom ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay 12 ka tirsan Maleeshiyaadka Alshabaab,iyagoo xusay in aanay jirin wax shacab ah oo waxyeello soo gaartay,kadib dabagal ay sameeyeen duqeynta kadib.

Saraakiil ka tirsan Militariga Mareykan ayaa sheegay in ay gacan taageero ka helayeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya,oo heley xogaha ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Maleeshiyaadkaasi Alshabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan gudihiisa Soomaaliya ka fuliyay weerarro qorsheysanaa oo gaarayay ilaa 15 weerar,kuwaasi oo lagu khaarijiyay horjoogayaal sar sare iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa kooxaha argagixisada Alshabaab.