Afar Nin Oo Shabaab Oo lagu ridday Xukun Dil iyo Xabsi iskugu jira

Wararka Maanta

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Talaado ah xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku ridday afar nin oo eedeynayaal ah, kuwaasoo Maxkamadda ku soo eedeysay inay Shabaab u qaabilsanaayeen qaraxyada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu ridday raggan, isagoo sheegay in lagu helay dhamaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Raggan oo dhowr jeer Maxkamadda la hor-keenay ayaa la dhageystay dacwada loo heystay, waxaana qaarkood la sheegay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyada loo adeegsado baabuurta ee lala beegsado Maqaayadaha Muqdisho.

Hadaba afarta nin ee la xukumay ayaa waxay kala yihiin:-

1- C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

 

2- Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in

3- Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah

4- C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in cid walba oo aan ku qanacsaneyn xukunkan ay u furan tahay inay racfaan ka qaadato.