7 Xaqiiqo oo ku xeeran Xukuumada cusub Soomaaliya

Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub oo ka kooban Ra’iisulwasaare ku xigeen, 26 wasiir, 26 wasiir ku xigeen iyo 15 wasiiru dowle, waxaana tiradda guud ee golaha xukuumaddu noqonayaa marka Ra’iisul wasaaraha lagu daro 69 xubnood.

Markii aad eegto liiska xukuumadda cusub waxaa kuu soo baxaya xaqiiqooyin ku xeeran xukuumadan oo sugeysa kalsoona barlamaanka federaalka, waxaana ka mid ah xaqiiqooyinkaas :

  1. Tirada wasiirada oo badan, taas oo aan ku habooneyn dal dhaqaale ahaan liita, inkastoo loo aaneynayo in tirada badan lagu qancinayey beelaha Soomaaliya.
  2. Golaha wasiirada oo cusub oo ka kooban 68 xubnood, 42 ka mid ah waa xildhibaano, taas oo ka dhigan in xildhibaanada lagu qancinayey ee aan la fiirirn howl qabad, waxaana lumeysa isla xisaabtanka xukuumadda iyo Barlamaanka.
  3. Saamiga beelaha oo markii ugu horeysay la badalay, Tuusle Beesha Dir oo heli jirtay Wasiirka Arimaha dibadda ayaa hadda heshay wasiirka Maaliyadda, halka Beesha Hawiye oo heli jirtay wasiirka Arimaha gudaha ayaa hadda loo weeciyey jagada wasiirka Arimaha dibadda.
  4. Beesha Abgaal oo heshay laba wasiir, taas oo u muuqata qancin, waxaana suurtagal ah in beelo kale ka gadoodaan saamiga noocaan ah.
  5. Abuuridda wasaaradda cusub oo ah Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka, taas u baahan doonta qalabeyn iyo shaqaale cusub.
  6. Saluugga ay ka qabaan beelaha qaar cadka ay ka heleen xukuumadda cusub, beelahan ayaa waxaa ka mid ah Xawaadle, shiikhaal, sacad, saleebaan iyo kuwo kale.
  7. Ansixinta xukuumadda cusub oo adkaan doonta, maadama dad oo iska waayey golaha wasiirada ama balan looga baxay ay sameen doonaan isbaheysi looga soo horjeedo xukuumadda cusub.

Gabagabadii Bulshada ayaa sugeysa inaan waqti badan la lumin, madaama xaalad adag dalku ku jiro, sidoo kale muddada kala guurka oo dheeraatay ayaa sababtay in habacsanaan ku timaado shaqadii dowladda.