Dib u dhac ku yimid Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku dhow Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaa markii saddexaad dib u dhacay caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug.

Xafladda Caleemasaarka oo dhowrjeer dib u dhacday ayaa ugu danbeyn la filayey inay dhacdo maalinta Arbacada 24-ka Bishan, Balse waxaa goordhow soo shaacbaxay in laga dhigay Sabtiga soo socda oo taariikhdu ku beegan tahay 27-ka May.

Ma cadda ujeedada dib u dhaca caleemasaarka, balse waxaa wararka qaar sheegayaan in wufuuda ka qeyb galay dartood dib loogu dhigay.

Sidoo kale horey ayaa dhowrjeer waxaa dib u dhac ku yimid doorashadii Madaxweynaha, inkastoo lagu guuleystay ugu danbeyn in 3 Bishaan loo doortay Axmed Ducaale Xaaf madaxweynaha Galmudug muddo 2 sano ah.