Wasiirkii hore Arimaha Gudaha DFS oo maanta tagaya Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa la filayaa inuu maanta magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug gaaro wasiirkii hore Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.

Qabanqaabada soo dhaweynta wasiirka ayaa ka socota Magaalada Cadaado, waxaana la filayaa  inta uu joogo Cadaado xarigga ka jaro mashaariic uu ka hirgaliyey deegaano hoostaga Cadaado, mashaariicdaas oo ay ku jiraan ceel biyoodyo iyo mashaariic kale, mashaariicdaas oo uu hirgaliyey labadii sano ee lasoo dhaafay. sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaan ayaa ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Cadaado, waxaana lagu xasuustii Aasaaskii Maamulka Galmudug oo wasaaradii uu madaxda ka ahaa hormuud ka aheyd howsha dhismaha maamulka Galmudug.

Inta badan loogama baran xildhibaanada Soomaaliya in ay mashaariic ka hirgaliyaan deegaanada laga soo doorto, waxaana inta badan waqti ku lumiyaan danahooda gaarka ah.