Waxaa Deeq raashin ah la gaarsiisay Dadka naafada ah ee ku sugan Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamul Goboleedka Galmudug taasi oo ay soo direen Jaaliyadda Brixton hill ee UK.
Deeqdani oo iskugu jirtay Burr, Bariis, Sonkor iyo Saliid. ayaa waxaa gaarsiiyay Naafada Cadaado, Cabdul-qaadir Sayid Axmed oo ka tirsan Hay’ada Xayaad Foundation waxaana uu sheegay in deeqdani ay soo dhiibeen Jaaliyada wadanka UK, gaar ahaan Brixton Hill Islamic Center.
Dadka Naafada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa dhankooda sameyn weyn ku yeeshay Abaarta ka dhacday dalka waxana ay yihiin kuwa u jilicsan isbedelka Xaalada Maadaama ay yihiin dad qaba baahiyo ka duwan kuwa dadka Caadiga ah ee qaba lixaadkooda.
Ma jirto cid si toos ah uga war qabta waxana ay ku noolyihiin daruufo adag ee nolaleed, waxa ay aad ugu nugul yihiin Baahida oo in badan ee ka mid ah mashaqaysan karaan, waxaana suura gal ah hadii qaar kood shaqo loo abuuro in ay isdabari lahaayeen, waxaa kale oo ay u dhintaan Cudurada Maadaama aysan haysan dhaqaalo uu kula dadaalo Caafimaadkiisa, qaarkood waa hayn oo waxaa ay u baahanyihiin in la xanaaneeyo ayadoona aysan awoodin dadka uu la noolyahay waxaa jira qaar ka mid ah naafadda oo aan lahayn hooy.
Hayadda Xayaat foundation ayaa kaalin muuqata ka geysatay sidii loola tacaali lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Wariye. Liibaan Gurey – Cadaado