Muhiimadda Dekadda Hobyo U Leedahay Bulshada Iyo Deegaanka  

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Hobyo waa degmo xeebeed qadiimi ah oo ka tirsan Mudug(Galmudug), dhanka barina kaga beegan magaalada Gaalkacyo, magaalo, deegaan bulsho iyo dekad ahaanba waxaa saameyn ku yeeshay dagaalladii ka dhacay.

Dadka ku nool magaalada noloshooda waxa ay ku tiirsantahay Kalluumaysiga, waxa ayna leedahay xeeb iyo dekad taariikh leh, taasi oo aan hadda qaban shaqadii looga fadhiyey burburka owgiisa.

Dekadda Hobyo, February 2016-kii, waxaa dhagax-dhigay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed isaga oo ugu baaqay markaasi in ganacsatada Soomaaliyeed ay maal-gashadaan dekadani isaga oo yiri “Dekadda Hobyo waa ay furantahay,waxaa ayna u furantahay in ay shaqeyso, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada Soomaaliyeed oo aan u soo jeedinayaa in doomahooda iyo shixnadahooda ganacsi ay dekadda Hobyo keeni karaan”.

Labo sano kadib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale dhagax-dhigay dekadda kadib socdaal uu ku tagay gobollada dhexe, waxaana hadda socda dadaallo lagu horumarinayo.

Dekadda Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, waxaana nooga waramaya Taariikhda dekadani  Cabdi salaam Xaaji Axmed waxa uuna yiri “Dekaddan Hobyo waxa ay aheyd dekaddii ugu Taariikhda weyneyd dekadaha Soomaaliya, Talyaani marka uu soo galay dalka Hobyo kaliya ayuu dekad ka dhisay, waxaas oo dhan waa ay burbureen xataa waddadeeda waa ay la burburtay”.

Hadaba dhagax dhigga 2aad ee dhismaha dekadda Hobyo maxuu ka badali karaa dhaqaalaha gobollada dhexe waxaa ka jawaabaya Ismaaciil Maxamed Ismaaciil oo ka faalooda dhaqaalaha waxa uuna yiri : “Inay dekad yeeshaan saddexdaas gobol waagii hore dhibaato badan ayey u mari jireen in waxay u baahanyihiin looga keeno Boosaaso ama Muqdisho, dhaqaalo ahaan waxbadan ayey badaleysaa waxaana ka mida in dhaqaalo ahaan ay u baaqdaan qarashkii lagu soo rari jiray badeecadaha laga keeno boosaaso iyo muqdisho”.

Isniintii, Dowladda federaalka ah ayaa wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo.

Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye  oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo.

Dhismaha dekadda Hobyo waxaa ay ahmiyad gaar ah u leedahay gobollada bartamaha Soomaaliya, waxaana ka faa’ideysan kara bulsho malaayiin ah, oo haddii uu hirgalo dhisamaha dekadda Hobyo waxa ay wax ka badali doontaa dhaqaalaha gobollada dhexe .

Xigasho: Goobjoog