Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal oo saaka mar kale dhegaysatay dacwadda loo haysto saddexda nin ee ku eedaysan Kiiskii Caa’isha Ilyaas ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday go’aanka kama dambaysta ah ee dacwadda.
Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddexda eedaysane iyadoo ku raacday xukunkii ay ridday maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal kadib markii sida ay sheegtay la horkeenay caddaymo buuxa.
Qareennada difaacayaa eedaysanayaasha ayaa rafcaan kale ka qaadatay xukunka saaka waxana dacwaddu u gudubtay maxkamadda sare ee Puntland oo leh go’aanka ugu dambeeya ee xukunnada ay ridaan maxkamadaha heer gobol.
Maxkamadeynta raggan loo heysto dilkii iyo kufsigii gabadhii yareyd Caasho Ilyaas ayaa muddo soo jiitamayey, waxaana falka fooshaxun ee lagula kacay Caasho ka dhiidhiyey bulshada Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in ciqaab adag la mariyo raggii falkaan geystay. Kufsiga hablaha ayaa kusoo badanayey muddooyinkan dambe Soomaaliya.