Madaxweyne Xaaf oo Safar Qarsoodi ah ku tagay Garoowe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta safar aan la shaacin ku gaaray Magaalada Garoowe caasimadda Maamulka Puntland, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa qasriga Madaxtooyadda magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweyne Axmed Xaaf. Labada Masuul ayaa yeeshay kulamo ay albaabadu u xiran yihiin. Madaxweyne ayaa waxaa caasimadda Dusmareeb ka raacay ciidan ilaalo kooban, mana jirin siyaasi ku wehliya safarkiisa sida ay inoo xaqiijyeen ilo xog-ogaal. Puntland ayaa horey u taageeri jirtay Maamulka Ahlu sunna, sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa taageero mug leh ka helay Madaxda Dowlad goboleedyada, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland.

Ilama oga ilaa hadda ujeedka uu yimid Garoowe Madaxweyne Xaaf, balse waxaa uu imaanayaa safarkiisu xilli uu jiro khilaaf c u dhexeeya Madaxda maamulka Galmudug. Gaas iyo Xaaf ayaa saaka kulmay, waxaana jira kullan kale oo caawa uga socda Madaxtooyadda.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com