Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Kismaayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Saraakiil sare oo ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa inoo xaqiijiyey in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu maanta u ambabaxayo Magaalada Kismaayo xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa Caasimadda Dusmareeb ka raaci doona wafdi kooban, waxaana la qorsheeyey in diyaaradda sida Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa soo mari doonto Dusmareeb halkaas oo ay kasii raaci doonaan Wafdiga Galmudug.

Wafdiga Galmudug ayaa ka qebgali doona shirka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo beri 3 September 2018 ka furmi doona Kismaayo. Shirkaas oo looga hadli doono arimo badan.

Madaxweyne Xaaf ayaa Dusmareeb ka tagaya isaga oo aan ku dhawaaqin Liiska Gole Wasiiro cusub oo ay isla qoreen Ahlu Sunna, waxaana muuqata in labada dhinac Galmudug iyo Ahlu Sunna kala shaki soo kala dhexgalay. Madaxweyne Xaaf ayaa maaweelin ku wada Ahlu Sunna, isagoo diidan inuu Gole Wasiiro ku dhawaaqo ilaa inta uu dhameynayo heshiiska Maxamed Xaashi iyo Cali Gacal.

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa aad u doonaysa in la dhiso Gole Wasiiro cusub oo ay awood badan ku leeyihiin. Madaxweyne Xaaf ayey suurtagal tahay in marka uu kasoo laabto Kismaayo uu saldhigto Muqdisho, isagoo isku dayaya inuu helo waddo uu uga baxo mowjadaha siyaasadeed ee uu dhex dabaalanayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas ayaa la filayaa inuu wareejiyey hogaaminta Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada maadaama uu dhaawaan galayo doorashada Madaxtinimada Puntland. isagoo xilka ku wareejin doona Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.