Xarig jarkan oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir,
Xariga jarka Kaddib ayaa munaasabad kooban oo ay bulshada reer Wadajir ku muujinayeen garab istaagga Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa lagu qabtay xarunta degmada.
Guddoomiyaha degmada Wadajir C/raxman Maxamed Macalin Cali ayaa maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday dhismaha wadada Jaalle siyaad ee isku xirta degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.
Xildhibaan Maxamud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) ayaa sheegay in bulshada looga baahan yahay garab istaagga maamulka gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu wado qorsha lagu dhisaayo wadooyinka magaalada Muqdisho.