Taliyaha cusub ee ciidamada Taraafikada Gen. Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa dardar cusub galiyey ciidamadda Taraafikada, waxaana wadooyinka Muqdisho laga dareemayaa howlgalada ciidamada ay ku baacsanayaan darawalada khilaafa sharciga wadooyinka.
Gen. Cali Gaab oo muddo badan madax usoo ahaa ciidamada Taraafikada, ayaa dhawaan dib loogu soo celiyey xilkaas, waxaana lagu xasuustaa sida uu u dhisay ciidamada taraafikada.
Dowlada Federaalka ayaa isbaddel ku sameysay saraakiisha ciidamada si loo dardar galiyo howlaha suggidda amninga iyo kala dambeynta.




