Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis ku saabsan xiisadaha iyo colaadaha ku soo laalaabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane C/wali Gaas.
Heshiiskan ayaa tilmaamaya in laga shaqeeyo sidii nabad loogu noolaan lahaa magaalada Gaalkacyo, waxaana labada dhinac u kala saxiixay madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.
Waxaa goob joog ka ahaa heshiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.
Qodobada kasoo baxay heshiska ayaa waxaa ka mid ah :
- in dib loo furo isu socodka magaalada Gaalkacyo
- in ciidamo boolis isku dhaf ah la geeyo goobaha dagaalada ka dhaceen.
- in bisha labaad ee sanadkaan la iskugu yimaado kulan looga hadlayo amaanka magaalada iyo waxyaabaha heshiisyada ka dhaqan galay.
Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore u kala saxiixday heshiisyo nabadda Galkacyo ah, waxaana muuqata in aysan fulin heshiisyadaas, dadka magaalada Galkacyo ayaa dhibaato culus ka soo gaartay colaadda ka aloosan halkaas.