Dowladda Federaalka oo go’aan kasoo saartay heshiiska Dekedda Berbera

Wararka Maanta

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Dekeddaha iyo gadiidka badda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay heshiiskii ay Dubai ku gaareen maamulka Somaliland, itoobiya iyo DP World.

Wasaaradda ayaa cadeysay inaysan jirin cid ku matalaysay heshiiskaas oo dhigayey in 19% ay yeelato itoobiya dakhliga dekadda, halka Somaliland helayso 30%, Sidoo kale DP World ayaa leh 51%.

Heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli uu Ra’iisulwasare Xasan Cali Kheyre ku sugan yahay Imaaraatka, iyadoo dadka qaar  isweydiinayaan sababta isku beegtay safarkiisa iyo saxiixa heshiiskaan.

Comments are closed.