Dagaal culus ayaa saaka markale dib uga qarxay duleedka galbeed ee magaalada Gaalkacyo,Dagaalka ayaa bilowday saacad ka hor wuxuuna dagaalku u dhaxeeyaa ciidamada Puntland iyo Galmudug.
Waxaa labada dhinac ee dagaalamaya oo ah ciidamadii isku horfadhiyay duleedka koonfur galbeed ee magaalada Gaalkacyo ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo madaafiicda goobta kuwaasi oo daryankooda laga wada maqlayo magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka ayaa saaka bilowday iyadoo dadku aanu filayn in arooryadaan dagaal bilaaban karo, waxaana dadka magaaladu ay u shaqo tageen goobahooda ganacsi.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa saameeyay dagaalada iskasoo daba laalaabtay ee ka dhacaya duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana magaalada ka barakacay inta badan qoysaskii ku noolaa, waxaa hoos u dhac uu ku yimid dhaqaalihii iyo ganacsigii magaalada Gaalkacyo.
Ma jirto illaa iyo hadda khasaare la ogyahay oo ka dhashay dagaalka saaka markale ka bilowday magaalada Gaalkacyo, mana jirto cid illaa iyo hadda ka hadashay dagaalka saaka, waxaase idin soo gudbin doonaan wararkii kasoo kordha goobaha dagaalku saaka ka socdo.
Comments are closed.