Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya 20-ka December oo ah sanad-guuradii 75aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay, iyadoo munaasabada dabaal dega ay ka socoto magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay Dhoolatus ciidanka Booliska Soomaaliya kusoo bandhigeen Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, Mas’uuliyiin iyo dadweyne laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Munaasabadda ku soo bandhigay fantasiyo iyo gaardis, iyagoo sidoo kale soo bandhigaya qalabka ay heystaan.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin Hooyada Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed.
Sidoo kale Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa laga xusay dabaaldagga sanad guuradii 75aad ee aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliya.