Xuseen Gurguurte isagoo Cuuryaan ah waxaa soo ritey Cudurka Dhiig Karka ee Fadlan Caawi

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Xuseen Cismaan Geeseey waxa uu  ku magac dheeraa (Jeeri Gurguurte) waxa  uu ahaa nin Cuuryaan ah oo ku caan baxay  Gurguurashada oo hadana xarago badan waxa uu caan ka ahaa Baar Ubax, Black Sea iyo weliba Garoomadii Qaadku ka soo degi jirey  sida: No. 50, Jaziira iyo Deyniile isagoo marmarka qaar hagi jirey Diyaaradaha. Si kastaba waxa uu soo dhacsan jirey Qutul Yoomkiisa.

Sanad kahor waxaa soo ritey Cudurka dhiig karka kaasoo u saamixi waayey inuu saani u fariisto soona dhacsado Bariiska Ciyaalkiisa. Waxa dhacday oo gabay shaqadii ay hayeen Lug iyo Gacan waxa uuna awoodi waayey in uu la tacaalo Cudurka soo ritey sababo dhinaca dhaqaalaha la xiriira.

Hadda Jeeri Gurguurte waxa uu gabay fadhigii, waxaana u sii dheer dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo soo wajahday. Xaaladdiisa caafimaad ma wanaagsana, mar aan telfoonka kula hadlay waxa uu ii sheegay in dhiig karka kasokow uu qabo Cudurka Wadna Xanuunka. waxa uuna intaa ku daray inuu waayey cid ka saacidda dhaqaalihii uu Cusbataal ku aadi lahaa.

Xeseen waxaa u joogta 7 Caruur ah iyo Hooyadood kuwaas oo isaga wax ka sugi jirey. “Halka sano ee aan jiifo Ilaahey ayaa ogaa sidaan ku nooleyn, hadana xaaladdeenu aad ayey u liidataa”. sidaa waxaa yii Jeeri Gurguurte oo hada gabay gurguuradkii uu ku can baxay. waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri.

“Wiilka weyn ayaa marmarka qaar dabakafuul ama kirish booy ka noqdo Gawaarida BL-ka ah ee Magaalada, mar waxa uu keenaa 100 kun oo Shilin marna waa uu soo waayaa”.

 Waxa uu intaa ku daray “Xaaladeyda caafimaad waxaa iiga sii daran caruurtaas oo aan heysan waxay cunaan iyo waxay cabaan, hadda oo Ciidii timidna warkoodaba daa’”

Gebagebadii Xuseen Cismaan Geeseey waxa uu Soomaalida Ilaahey wax siiyey oo ku kala nool dalka gudihiisa iyo debaddiisa ka codsaday iney saacidaan madaama ay dhibaato xoogani soo wajahdey.

 Waxaad kala soo xiriiri kartaa

Xuseen Gurguurte

TELFOONKA. 00252-615503981.

Cabdinaasir Xersi Iidle.

naasirx1@gmail.com

Tel.00252-615503978.