xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare oo loogu baaqay iney dhisaan gudi doorasho oo wadjir ah

Wararka Maanta

War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa si deg deg loogu baaqay xildhibaanada  golaha shacabka iyo sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare in ay si deg deg ay u dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka Baarlamaanka Aqalka Sare.

Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

” Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qancikaraan bulshada Soomaaliyeed iyo sidoo kale Beesha Caalamka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Isla markaana Soomaaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxaa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.