Xasilinta oo Dad badan xalay Howlgal ku soo qabqabtay

Uncategorized

Ciidamada Xasilinta Caasimada ayaa xalay howl gal ballaaran ka sameeyay xaafado ka timid ah degmada Warta Nabada (Ex Wardhiigley), waxaana howl galkaas lagu soo qabtay dad ku dhow boqol ruux.

Howl galkan ayaa ahaa mid guryaha iyo gaadiidka lagu baarayay ayaa dadka lagu qab qabtay ay ahaayeen dhalinyaro ku noolaa xaafadahaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhalinyarada ay qabteen sii daayeen, halka qaarkood ay horay u wateen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan howl galkii xalay ee dadka faraha badna lagu qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay dilal qorsheysan oo weeraro kooxo hubeysan ka geysanayeen degmooyinka qaar, iyagoo adeegsanaya gaari.