Cutubka Saddaxaad.
Qaab-dhismeedka Dowlad Goboleedka Galmudug (DGGM).
Qodobka 32aad.
Fidinta Awoodda Maamul ee DGGM.
1) Awoodda maamul ee DGGM waxaa lagu baahinayaa gobolada, degmooyinka iyo tuuloyinka; waxaa jiraya Goleyaasha Xeer-dejinta iyo Xukuumadda DGGM iyo maamulo laga soo doorto golayaasha heer gobol iyo heer degmo oo markooda soo dooranaya Guddomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo.
2) Heer kasta ee deegaan waxa uu yeelanayaaa maamul ku imaanaya doorasho ku saleysan nidaam axsaab badan, ayadoo uu shacabku soo dooranayo wakiilo matala oo lagu soo doorto si xor ah, xalaalna ah iyo codeyn qarsoodi ah.
3) Gobolku waxa uu ka koobmaa heer gobol, degmooyin, tuulooyin iyo daabiyado, ayadoo awoodda ismaamulidda la gaarsiinayo heer ay daabiyadda soo doorato wakiiladeeda matalaya.
4) DGGM, waxaa laga hirgalinayaa nidaamka dimuqraadiga ee axsaabta badan oo lagu dooranayo hoggaaminta DGGM, Gudoomiyaha Gobolka, Golaha Fulinta Gobollada, Golaha Fulint Degmada iyo Dowladaha Hoose.
5) Nidaamka iyo Xeerarka maamullada Gobollada iyo degmooyinka waxaa lagu dhisayaa oo lagu soo saarayaa Xeer gaar ah.
Qodobka 33aad.
Golaha Xeer-dejinta.
1) Golaha Xeer-dejinta DGGM ayaa masuul ka ah Xeer-dejinta DGGM, awooddiisa xileedna waa Xeer-dejin iyo kormeeridda xukuumadda. 2) Golaha Xeer-dejintu waxa uu ka kooban yahay lixdan iyo shan (65) Xildhibaan oo ay soo dooranayaan shacabka DGGM.
Qodobka 34aad.
Shuruudaha ka Mid-noqoshada Golaha Xeer-dejinta.
Xildhibaannimada Golaha Xeer-dejinta ee DGGM waxaa loo dooran karaa muwaadin kasta ee buuxiyay shuruudaha doorashada soo socda:
1) In uu muslim yahay, kuna dhaqmo Mad-habka Shaaficiyada;
2) In da’diisu ka yareyn labaatan iyo shan (25) sano kana weyneyn toddobaatan iyo shan (75) sano;
3) In uu maskax iyo jir ahaan caafimaad qabo si uu u guto xilkiisa;
4) In uu yahay Soomaali deggan deegaannada Galmudug, u dhashay ama ku dhaqmay lehna xuquuqda codaynta;
5) In aan Maxkamad awood u leh aysan si kama dambays ah ugu xukumin ciqaab gaareysa hal sano oo xabsi ah; iyo
6) In aaney aqoontiisu ka yareyn heer dugsi sare ama aqoon iyo waayaaragnimo u dhiganta.
Qodobka 35aad.
Luminta Xildhibaanimada Golaha Xeer-dejinta.
Xildhibaanku waxa uu xilkiisa ku weyn karaa xaaladaha soo socdo:
1) Haddii uu iska casilo xilka xildhibaannimada;
2) Haddii uu geeriyoodo;
3) Haddii uu beelo maskaxda ama xanuun aan lala shaqeyn karin uu ku yimaado taas oo uu caddeeyay dhaqtar;
4) Haddii xildhibaanku ka maqnaado/maqnaato laba kalfadhi ee Golaha shacabka oo caadi ah iskuna xiga sabab la’aan.
5) Haddii ay Maxkamadda awoodda u leh ay ku cadayso argagixisanimo ama uu la’yeesho xiriir.
6) Waxaa kale oo lagu lumin karaa sababaha kale ee uu tilmaamo xeer hoosaadka Golaha Xeer-dejinta DGGM.
Qodobka 36aad.
Buuxinta Kuraasta Golaha Xeer-dejinta Bannaanaata.
Haddii xubin ka mid ah Golaha Xeer-dejinta ay lumiso xildhibaanimadeeda waxaa baddelkeeda lagu soo dooranayaa sidii uu ku yimid xildhibaankii hore.
Qodobka 37aad.
Mudada Golaha Xeer-dejinta.
1) Muddo xileedka Golaha Xeer-dejintu waa afar (4) sano oo ka bilaabata marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, lana dhaariyo Xildhibaanada.
2) Fadhiga kowaad ee Golaha waa in lagu qabto afar iyo toban (14) casho gudahooda kaddib ku dhawaaqidda natiijada doorashada.
3) Muddo xileedka Golaha Xeer-dejinta lama kordhin karo sabab maangal ah la’aanteed.
4) Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golahii hore.
Qodobka 38aad.
Awoodaha iyo Waajibaadka Golaha Xeer-dejinta.
Golaha Xeer-dejinta xilkooda waajibaad waa:
a. Diyaarinta, ka-doodista iyo ansaxinta xeerarka DGGM.
b. Wax-ka-beddelidda Dastuurka DGGM marka laga reebo Qodobada kuxusan Cutubada Kowaad iyo Labaad.
c. Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Guddoonka Golaha Xeer-dejinta.
d. Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
e. U codeynta guddiyada joogtada ah iyo kala laabashada kalsoonida.
f. Ansixinta barnaamijka iyo xukuumadda uu soo magacaabay Madaxweynahu taasoo ku imaaneysa cod hal-dheeri ah.
g. Ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda sanadka iyo meelmarinta xisaab-xir sannadeedka;
h. Ansaxinta ama laalidda xaalad deg-deg ah oo ay xukuumaddu soo jeedisay;
i. Ka doodista iyo ansaxinta hindiso Xeeryeedyada xukuumaddu soo qaddinto;
j. Ka doodista iyo ansaxinta soo jeedin eedeyn Golaha laga keeno Guddoonka Golaha Xeer-dejinta iyo Madaxweynaha DGGM iyo Ku-xigeenkiisa;
k. U codeynta ama diidmada ansaxinta dhismo deegaano cusub;
l. U codeynta ama diidmada haya’adaha dowladda iyo guddiyada madaxabanaan;
m. La xisaabtanka xukuumadda, kormeeridda, baarista iyo wax-weydiinta hay’adaha Dowladda iyo guddiyada madaxabanaan;
n. Ansixinta heshiisyada DGGM u keenaya masuuliyad maaliyadeed, ayadoo xeer gaar ah nidaaminayo caddadka lacagta aan u baahnayn ansixinta Golaha Xeeridejinta.
o. Golaha Xeer-dejintu waxa uu amri karaa in baaris lagu sameeyo hay’ad dawladeed iyadoo waajibaadkaas u xilsaaraysa guddi xildhibaanno oo khibrad u leh howlaha la baarayo.
p. Xildhibaan kasta oo ka mid ah Golaha Xeer-dejinta DGGM marka ay xilkeeda gudanayso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta DGGM ku jirto.
Qodobka 39aad.
Faafinta iyo Xafidaadda Xeerarka.
Kaydinta Xeerarka DGGM waxaa mas’uul ka ah Xoghayaha Golaha Xeer-dejinta DGGM iyo Garyaqaanka Guud ee DGGM oo Faafinta Rasmiga ah ku samaynaya. Qodobka 40aad.
Dhaqangelidda Xeerarka.
a) Hindise Xeer qabyo ah wuxuu dhaqan-gelayaa kaddib marka uu maro habraaca Xeerdejinta, Madaxweynaha DGGM uu saxiixo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga.
b) Haddii Golaha Xeer-dejinta DGGM diido hindise Xeer, hindisehaasi laguma soo celinkaro Golaha muddo soddon (30) malmood laga bilaabo maalinta hindisaha la diiday.
Qodobka 41aad.
Durid Xeer.
1) Xeer maray habraaca ansixinta xeerarka iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka DGGM.
2) Xeer maray shuruudaha ku xusan Qodobadaan waxaa duri kara:
- Saddax meelood meel (1/3) ka mid ah Xildhibaannada Golaha Xeer-dejinta DGGM.
-
Golaha Wasiirrada DGGM; 3. Ugu yaraan laba kun (2,000) oo cod bixiye diiwaangashan.
3) Duridda xeer si waafaqsan Faqradaha 1aad iyo 2aad ee Qodobkan waxaa la horgeyn karaa go’aanna ka gaari karta Maxkamadda Sare ee DGGM.
4) Haddii Maxkamadda Sare ee DGGM ay jebiso duriddii xeerka, kharashka ku baxay waxaa bixinaaya dhinacii hindisaha duridda Maxkammadda horkeenay.
5) Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan-ka-gaarista waxaa lagu qeexayaa nidaamka garsoorka ee DGGM.
Qodobka 42aad.
Guddiyada Golaha Xeer-dejinta.
1) Golaha Xeer-dejinta waxa uu yeelanayaa guddi hoosaadyo wada howlaha Golaha Xeerdejinta.
2) Guddiyada tiradooda iyo habka xulistooda iyo nidaamkooda shaqada waxaa lagu qeexayaa xeer-hoosaadka Golaha Xeer-dejinta ee DGGM.
Qodobka 43aad
Guddiga Arrimaha Golaha.
1) Golaha Xeer-dejinta waxa uu yeelanayaa Guddiga Arrimaha Golaha oo xubnahiisu ka kooban yihiin Guddoomiyaha, Ku-xigeenadiisa iyo Guddoomiyaasha Guddiyada Joogtada ah.
2) Guddiyada Joogtada Golaha waxa ay ku sameysmayaan baahida shaqo ee Golaha.
3) Guddiyada Joogtada Golaha waxaa soo jeedinayo Guddoonka Golaha, waxaana codka kalsoonida loo weydiinayaa Golaha Xeer-dejinta DGGM.
Qodobka 44aad.
Kalfadhiyada Golaha Xeer-dejinta.
1) Golaha Xeer-dejinta xilkiisa waajibaad waxa uu ku gudanayaa kalfadhiyada Golaha.
2) Golaha Xeer-dejinta waxa uu isugu yimaaddaa kalfadhi caadi ah sanadkii labo mar oo min afar (4) bilood ah, iyo kalfadhi aan caadi aheyn.
3) Golaha Xeer-dejintu waxa uu sameysanayaa xeer-hoosaad uu ku guto xilkiisa, anshaxa xubnaha golaha, waqtiga fasaxyada, nidaamka maamul ee Golaha, soojeedinnada hindisayaasha xeer, soojeedinta habka codeynta iyo kalfadhiyada.
4) Kalfadhiyada Golaha Xeer-dejintu waxa uu ku ansaxayaa aqlabiyad hal dheeri ah (50+1) ee xubnaha Golaha.
5) Golaha Xeer-dejinta go’aanadooda waxay ku meelmarinayaan cod aqlabiyad hal dheeri ah (50+1) ee xubnaha fadhiya marka laga reebo Qodobada fadhiyada ku saabsan kalsooni-siin ama kala-noqosho xukuumada iyo soojeedinada ku saabsan xaaladaha deg-degga ah.
6) Kalfadhiyada Golaha Xeer-dejinta waxaa looga yeerikaraa xubnaha xukuumada ayagoo warbixin looga dhageysanayo ama su’aalo loogu weydiinayo qorshaha miisaaniyadda xukuumada ama hindise Xeer.
7) Kalfadhiyada Golaha Xeer-dejinta waxay u furanyihiin warbaahinta iyo dadweynaha haddii aan Gudoonka Goluhu hakin sababo jira awgeed.
8) Kalfadhi aan caadi aheyn waxaa isugu yeeri kara Gudoomiyaha Golaha Xeer-dejinta marka: a. uu dalbado Madaxweynaha; ama b. ay codsi qoraal ah ku soo gudbiyaan saddex meelood meel (1/3) ee Golaha Xeerdejinta.
Qodobka 45aad.
Xasaanadda Xildhibaanka Golaha Xeer-dejinta.
- Haddii aan laga haysan oggolaansho Golaha Xeer-dejinta, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi Xeer ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho Golaha Xeer-dejinta lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.
-
Xildhibaanka Golaha Xeer-dejinta looma dabagali karo fikir ama codka uu ka hordhiibto Golaha Xeer-dejinta;
-
Xildhibaanka dacwad fal-dambiyeed laguma oogi karo illaa laga qaado xasaanadda xildhibaannimo, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi Xeer ahaan ay khasabtahay qabashadiisu.
-
Xildhibaanka waa lagu oogi karaa dacwad madani ah.
-
Xildhibaanka laga qaado xasaanaddiisa ee lagu oogay dacwad ciqaabeed laguna waayo, waxaa uu yeelanayaa magdhaw u qalanta sharafta laga qaaday iyo in uu Xildhibaanimadiisa sii wato.
-
Xildhibaanka si-kama-dambeys ah lagu xukumo dambi ciqaab waxa uu weynayaa xilka xildhibaannimada, isla maalinta xukunka kama-dambaysta ah uu dhaco.
Qodobka 46aad
Dhaarta
Xildhibaanada, Madaxweynaha, Madaxweyne kuxigeenka iyo Xubnaha Xukuumadda waxaa lagu dhaarinayaa Kitaabka Quraanka Kariimka ah, isagoo dhahayo, “waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahey in aan xilkeyga u gudanayo si daacad ah oo danta diinta, dadka iyo dalka ku jirto, dhowrayana dastuurka DGGM iyo kan Qaranka iyo shuruucaha kale ee dalka”.
Waxaana dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DGGM.
Qodobka 47-aad.
Qaabka loo Dooranayo Guddoonka Golaha Xeer-dejinta.
1) Golaha Xeer-dejintu wuxuu iska dhexdooranayaa Xildhibaanka ugu da’da weyn oo si ku meel gaar ah shir gudoominaya doorashada Gudoomiyaha iyo Ku-xigeennadiisa.
2) Gudoomiyaha iyo Ku-xigeennadiisa waxaa cod qarsoodi aqlabiyad ah ku dooranaya xubnaha Golaha Xeer-dejinta.
3) Ugu yaraan saddex meelood labo (2/3) tirada guud ee Golaha Xeer-dejinta DGGM waa inay joogaan u codaynta doorashada Guddoonka DGGM.
4) Doorashada Gudoomiyaha Golaha Xeer-dejinta waxaa la raacayaa hannaanka soo socda:
a. Golaha Xeer-dejinta DGGM waxay Guddoomiye u dooranayaan murashaxa ku guuleysta aqlabiyad seddax meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta DGGM.
b. Haddii murashax ku guuleeysan waayo waxaa codayn labaad loo qaadayaa saddaxda murashax ee ugu cod badan waxaana ku guleeysanayaa Guddoomiyanimada Golaha Xeer-dejinta DGGM murashaxa hela aqlabiyad ah seddax meelood laba (2/3) codadka tirada guud ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta DGGM.
c. Haddii murashaxna ku guleeysan waayo codbixinta wareegga laabad waxaa codbixin wareeg seddaxaad loo qaadayaa labada murashax ee ugu cod badan waxaana Guddoomiyanimada Golaha Xeer-dejinta DGGM ku guuleysanaaya murashaxa hela cod haldheeri (50+1) ee tirada guud ee xubnaha Golaha Xeerdejinta.
5) Habraaca doorashada Gudoomiye Ku-xigeenka koowaad iyo kan labaad waxaa loo marayaa mid la mid ah doorashada Gudoomiyaha Golaha Xeer-dejinta.
6) Musharixiinta Gudoomiyaha iyo Ku-xigeennadiisa waxay ka imaanayaan xubnaha Golaha Xeer-dejinta.
Qodobka 48aad.
Kala-dirista Golaha Xeer-dejinta.
Golaha Xeer-dejinta waxaa la kala dirikaraa oo kaliya marka uu dhamaado muddada xilka ee afarta (4) sano.
Qodobka 49aad.
Waajibaadka Guddoonka Golaha Xeer-dejinta DGGM.
- Golaha Xeer-dejinta DGGM waxa uu yeelanayaa Guddoomiye iyo Guddoomiye Kuxigeenno noqonaya Guddoonka Golaha Xeer-dejinta.
-
Xilka Gudoomiyaha Golaha Xeer-dejinta waa:
a) Waxa uu guddoomiyaa fadhiyada Golaha Xeer-dejinta;
b) Waxa uu u qeybiyaa doodda xubnaha Golaha Xeer-dejinta;
c) Waxa uu ilaaliyaa habsami u socodka shirarka iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyada Golaha Xeer-dejinta;
d) Waxa uu guddoomaa soona hordhigaa mooshinnada ay soo jeediyaan xubnaha Golaha Xeer-dejinta si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer Hoosaadyada Golaha;
e) Waxa uu ku dhawaaqaa natiijada ka soo baxda codeynta Golaha Xeer-dejinta;
f) Waxa uu sii hayaa xilka Madaxweynaha xilliga ay dalka ka maqanyihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka;
- Marka uu Guddoomiyaha Golaha ka maqanyahay kal-fadhiga ama dalka, waxaa xilkiisa qabanaya Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad; iyo
-
Haddii Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka Kowaad ka maqanyihiin kal-fadhiga ama dalka, waxaa xilka gudanaya Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad.
Qodobka 50aad.
Xil Ka-qaadista Guddoomiyaha Golaha Xeer-dejinta iyo Ku-xigeenadiisa.
1) Golaha Xeer-dejinta waxa uu soojeedin karaa xil ka-qaadista Guddoomiyaha Golaha Xeerdejinta marka uu ku sifoobo in uu ku xadgudbo Dastuurka iyo Xeerarka DGGM.
2) Mooshinka laga keeno Guddoomiyaha waa in ay soo gubiyaan saddax meelood meel (1/3) ee tirada guud ee Golaha Xeer-dejinta.
3) Guddoomiyaha waxaa xilka looga qaadikaraa cod hal dheeri ah (50% +1) tirad guud ee Golaha Xeer-dejinta.
4) Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Xeer-dejinta waxaa xilka looga qaadikaraa ayadoo la raacayo sida ku xusan Faqradaha (1, 2 & 3) ee isla Qodobkaan.
Qodobka 51aad.
Qaab-dhismeedka Golaha Fulinta.
a. Hanaanka DGGM waxa uu noqonayaa hanaan Madaxtooyo oo Baarlamanteeri ah.
b. Golaha Xukuumaddu waa wadajirka Madaxweynaha iyo Madaxweye ku-xigeen, Wasiiro, Wasiir-ku-xigeeno iyo Wasiiru-dowloyaasha DGGM.
Qodobka 52aad.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DGGM.
DGGM waxay yeelanaysaa Madaxweyne iyo Ku-xigeen la soo doorto ayadoo doorashada Madaxweynaha la hormarinayo.
Qodobka 53aad.
Shuruudaha Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.
Waxaa xilalka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee DGGM isu soo sharixi kara muwaadin kasta oo buuxiya shuruudahan:
1) Muwaadin Soomaali ah, marwadiisuna tahay Muslim, kana soo jeeda DGGM, ahna Muslim ku dhaqma Mad-habka Shaaficiyada;
2) Caafimaadkiisa uu taam yahay.
3) Da’diisu aanay ka yarayn afartan (40) sano kana badneyn toddobaatan iyo shan (75) sano.
4) In uu leeyahay aqoon aan ka yareyn heer Jaamacad iyo waayo-aragnimo hoggaamin iyo maamul khibradeed oo aan ka yareyn shan (5) sano.
5) In aan Maxkamad awood u leh aysan si kama dambays ah ugu xukumin ciqaab gaareysa hal sano oo xabsi ah;
Qodobka 54aad.
Qaabka Doorashada Madaxweynaha DGGM iyo Ku-xigeenkiisa.
Madaxweynaha DGGM waa in ay doortaan Golaha Xeer-dejinta DGGM.
1) Ugu yaraan saddex meelood labo (2/3) tirada guud ee Golaha Xeer-dejinta DGGM waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha DGGM.
2) Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga Golaha Xeer-dejinta ugu yaraan toban (10) Xildhibaan Golaha Xeer-dejinta DGGM ah.
3) Musharax Madaxweyne kasta waa in uu musharaxnimadiisa gaarsiiyaa Golaha Xeerdejinta DGGM, waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Golaha Xeerdejinta DGGM, oo markaa kaddib dooranaya iyadoo la raacayo geeddi-socodkan:
a. Codeynta doorashada Madaxweynaha DGGM waa qarsoodi;
b. Golaha Xeer-dejinta DGGM waxay Madaxweyne u dooranayaan murashaxa ku guuleysta aqlabiyad seddax meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta DGGM.
c. Haddii murashax ku guuleeysan waayo waxaa codayn labaad loo qaadayaa afarta murashax ee ugu cod badan waxaana ku guleeysanayaa Madaxweyninimada DGGM murashaxa hela aqlabiyad ah seddax meelood laba (2/3) codadka tirada guud ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta DGGM.
d. Haddii murashaxna ku guleeysan waayo codbixinta wareegga laabad waxaa codbixin wareeg seddaxaad loo qaadayaa labada murashax ee ugu cod badan waxaana Madaxweynennimada DGGM ku guuleysanaaya murashaxa hela cod haldheeri (50+1) ee tirada guud ee xubnaha Golaha Xeer-dejinta.
- Doorashada Madaxwayne Ku-xigeenga DGGM waxaa loo marayaa habraaca doorashada Madaxwaynaha DGGM.
Qodobka 55aad.
La Wareegidda Xilalka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
1) Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa waxa ay xilka la wareegayaan marka la soo doorto, guddiga doorashooyinkuna ay ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee codeynta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa lana mariyo dhaarta ku cad qodobka 48aad ayadoo Madaxweynaha iyo Ku-xigenkiisa uu dhaarinayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
2) Madaxweynaha la doortay waxa uu xafiiska la wareegayaa toddoba (7) maalmood gudahooda kaddib marka xilka Madaxweynanimo loo dhaariyo. 3) Madaxweynaha iyo Ku-xigenkiisa waxaa loo sameeynayaa xaflad caleemo-saar xilliga dhaarta.
Qodobka 56aad.
Muddada Xilka Madaxweynaha.
1) Madaxweynuhu waxa uu xilka hayn karaa muddo afar (4) sano ah, mar kalena dib ayaa loo soo dooran karaa ayadoo laba xilli ka badan aan la soo dooran karin.
2) Madaxweynuhu xafiiskiisa iyo deegaanka DGGM kama maqnaan karo wax ka badan afartan iyo shan (45) maalmood oo isku xigta, wixii ka badan waxaa loo aqoonsanayaa xil gudasho la’aan joogta ah.
Qodobka 57aad.
Awoodaha iyo Waajibaadka Madaxweynaha DGGM.
Madaxweynaha DGGM:
- .a-Waa Hogaamiyaha DGGM b- madaxa Xukumadda DGGM.
-
Waa astaanta midnimada dadweynaha DGGM.
-
Waxa uu shir guddoominayaa fadhiyada Golaha Wasiirada.
-
Waxa uu soo dhisaa xukuumadda, magacaabaa wasiirada, xilkana ka qaadaa.
-
Waxa uu magacaabaa saraakiisha sare, xilkana ka qaadaa kaddib marka Golaha Wasiirada DGGM soojeediyaan.
-
Waxa uu saxiixaa heshiisyada lala galayo Dowlad Goboleedyada ka midka ah JFS, iyo Dowaladda dhexe ee JFS.
-
Waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Nabad-gelyada ee DGGM.
-
Waxa uu fidiyaa saamaxaad iyo cafis, markii uu helo talo-soo- jeedinta hay’adaha garsoorka.
-
Waxa uu u xilsaaran yahay ilaalinta Dastuurka iyo Xeerarka DGGM iyo JFS.
-
Waxa uu metelaa DGGM iyo shacabka deegaanka.
-
Waxa uu bixiyaa billad-sharaf iyo abaalmarin heer DGGM.
-
Waxa uu saxiixaa Xeerarka uu ansixiyo Golaha Xeer-dejinta DGGM.
Qodobka 58aad.
Luminta Xilka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
- Madaxweynuhu waxa uu xilkiisa weynayaa marka: a. Uu geeriyoodo; b. Uu caafimaad ahaan xilkiisa u gudankari waayo taas oo uu caddeeyay dhaqtar; c. Uu xilka iska casilo; iyo d. In xilka laga qaado.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka waxuu xilka ku weyn karaa sida ku xusan Faqradda kowaad ee Qodobkaan.
Qodobka 59aad.
Xil Ka-qaadista Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
1) Golaha Xeer-dejinta waxa uu soojeedin karaa xil ka-qaadista Madaxweynaha marka uu ku sifoobo in uu ku xadgudbo Dastuurka iyo Xeerarka DGGM.
2) Mooshinka laga keeno Madaxweynaha waa in ay soo gubiyaan saddax meelood meel (1/3) ee tirada guud ee Golaha Xeer-dejinta.
3) Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadikaraa cod saddex meelood labo ( 2/3) tirad guud ee Golaha Xeer-dejinta.
4) Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa xilka looga qaadayaa karaa cods hal dheeri ah ( 50 +1)
Qodobka 60aad.
Sii-haynta Xilka Madaxtooyada.
Xilka Madaxtooyada sida loo sii haynayo:
1) Haddii uu Madaxweynaha maqanyahay waxaa sii haynaya xilka Madaxweyne Kuxigeenka;
2) Haddii Madaxweynaha iyo Ku-xigeeniisu maqanyihiin waxaa sii haynaaya xilka Gudoomiyha Golaha Xeer-dejinta.
3) Haddii Gudoomiyaha Golaha Xeer-dejinta maqanyhay waxaa sii haynaya xilka Gudoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Xeer-dejinta.
4) Madaxda kor lagu xusay hal mar kama wada maqnaankaraan degaanka DGGM.
Qodobka 61aad.
Xilka Madaxweyne Ku-xigeenka.
1) Waa kaaliyaha Madaxweynaha.
2) Xilka xafiiska Madaxweyne ayuu qabtaa marka Madaxweynuhu ka maqanyahay dalka.
3) Marka Madaxweynaha ka maqanyahay DGGM uuna joogo dalka waxa uu xilka qabanayaa haddii Madaxweynha qoraal ugu idmo.
4) Madaxweyne Ku-xigeenka xilka kula wareegay sida ku cad Qodobka 55aad Faqrada (2) labaad, waxa uu xilka si rasmi ah u heynayaa ilaa laga gaarayo xilliga doorashada.
5) Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu xilka hayn karaa mudo afar (4) sano ah, markalena dib waa loo soo dooran karaa, laba xilli kabadana lama soo dooran karo.
Qodobka 62AAD.
Habka Buuxinta Jagada Bannaanaata ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa.
1) Haddii mid ka mid ah xaaladaha ku xusan Qodobka 59aad ay ku timaado Madaxweynaha waxaa si ku-meel-gaar ah xilka Madaxweynaha u qabanaya Madaxweyne Ku-xigeenka oo muddo soddon (30) maalmood ah ku qabanaya doorashada Madaxweynaha.
2) Muddo xileedka Madaxweynaha lagu soo doortay ayada oo la raacayo Faqradda (1) ee isla Qodobkaan waxuu xilka haynayaa muddada ka harsan muddo xileedkii Madaxweynahii jagada banneeyay.
3) Waxaa la raacayaa Faqradda (2) ee isla Qodobkaan haddii Madaxweyne Ku-xigeenku xilka banneeyo.
Qodobka 63aad.
Golaha Wasiirada.
1) Golaha Wasiirada waxaa soo magacaaba Madaxweynaha DGGM.
2) Golaha Wasiirada ee uu soo magacabay Madaxweynaha waxaa codka kalsoonida ku ansaxinaaya Golaha Xeer-dejinta si aqlabiyad hal dheeri ah.
3) Soo magacaabida iyo ansaxintooda waa in aysan dhaafin afartan iyo shan (45) maalmood marka xafiisaka uu la wareego Madaxweynahu.
4) Golaha Wasiirada waxaa laga soo magacaabikaraa xubnaha Golaha Xeer-dejinta iyo banaankaba.
Qodobka 64aad.
Shuruudaha Ka Mid Noqoshada Golaha Wasiirada.
Shuruudaha laga doonayo xubinta Golaha Wasiirada waa inuu:
1) Yahay Muwaadin Soomaali ah, kana soo jeeda DGGM, ahna Muslim Sunni ah kuna dhaqma Mad-habka Shaaficiyada;
2) Leeyahay aqoon waxbarasho heer jamacadeed ama waayo-aragnimo u dhiganta;
3) Leeyahay ugu yaraan xirfad maamul oo gaarsiisan illaa shan (5) sano;
4) Da’diisu ka yareyn soddon (30) sano.
5) In aan Maxkamad awood u leh aysan si kama dambays ah ugu xukumin ciqaab gaareysa hal sano oo xabsi ah;
Qodobka 65aad.
Xilka iyo Waajibaadka Golaha Wasiirada.
1) Golaha Wasiirada waxa ay ka masuulyihiin:
a) Fulinta siyaasadaha guud ee DGGM.
b) Horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada, nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee DGGM.
c) Dejinta qorshaha guud ee lagu hormarinayo DGGM.
d) Dejinta siyaasad maaliyadeed, iyo maalgelinta deegaanka iyo kobcinta dhaqaalaha.
e) Dejinta miisaaniyad sanadeedka iyo xisaab-xirka sanadka.
f) Dejinta hindise Xeer iyo soo hor-dhigidda Golaha Xeer-dejinta
g) Diyaarinta iyo ansaxinta xeerarka maamulka, iyo soo-jeedinta magacaabidda iyo xilka-qaadida saraakiisha sare ee DGGM.
h) Xiriirinta DGGM iyo maamullada gobollada iyo degmooyinka DGGM iyo xiriirka DGGM la leedahay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada kale.
2) Nidaamka xiriirka iyo wada-shaqeynta ku xusan Faqradda 1aad (h) ee Qodobkaan waxaa lagu cadeynayaa xeerar gaar ah.
Qodobka 66aad.
Golaha Guurtida.
1) DGGM waxuu yeelanayaa Gole Guurti.
2) Golaha Guurtida DGGM oo ah Golaha Odayaasha dhaqanka, waa hay’adda ugu sareysa arimaha dhaqanka, waxaana lagu maamulayaa xeerar ka soo baxa Golaha Xeer-dejinta DGGM.
3) Golaha Guurtidu waxa uu u xilsaaranyahay xallinta khilaafaadka beelaha iyo arimaha dhaqanka.
4) Xarunta Golaha Guurtidu waa magaalo madaxda maamul Gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
5) Astaanta Goluhu waa laba (2) bokoor & koofi dulsaaran.
6) Golaha Guurtida waxa ay wada shaqayn la leeyihiin Wasaaradda Arimaha Gudaha ee DGGM.
Qodobka 67aad.
Shuruudaha Ka Mid Noqoshada Golaha Guurtida.
Qofka ka mid noqonaya Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha hoos ku xusan:
a) In uu Muslim yahay, kuna dhaqmo mad-habka Shaaficiyada.
b) In uu yahay madax dhaqameed soo jireen ah oo la aqoonsanyahay.
c) In uu caafimaad ahaan, jir ahaan iyo caqli ahaanba u gudan karo xilkiisa.
d) In uu yahay qof diinta aqoon fiican u leh oo dhaqanyaqaan ah.
e) Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamadda awood u leh horteeda kaga caddaatay.
f) Inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna suuban yihiin.
g) Uma bannaana qof shaqaale dawladeed ah ka mid noqoshadda Golaha Guurtida.
h) Haddii ay baneyso xubin ka mid ah golaha guurtida xubinnimadeeda waxaa soo buuxsanaya xubintaas beeshuu madax-dhaqmeedkaasi ka soo jeedo.
Qodobka 68aad.
Tirada Golaha Guurtida.
Tirada Xubnaha Golahha Guurtidu waa labaatan iyo shan (25) oo iska dhex dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye-ku-xigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u baahdo.
Qodobka 69aad
Fadhiga ugu Horeeya ee Golaha Guurtida
1) Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 15 (shan iyo toban) maalmood gudahood ka dib maalinta la soo dhamaystiro xulashadiisa, waxaana furaya oo dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamul Gobaleedka Galmudug, waxaana shirkaas guddoominaya xubinta ugu da’weyn inta laga dooranayo guddoomiye rasmi ah iyo ku xigeen.
2) Kal fadhigiisa ugu horreeya, Golaha Guurtida waxa uu ku ansixinayaa xeer hoosaadka Golaha.
Qodobka 70aad
Luminta Xubinnimada Golaha Guurtida
- Xubinimada Golaha Guurtida waxaa lagu lumin karaa xaaladaha soo socdo:
a. Haddii uu iska casilo xilka;
b. Haddii uu geeriyoodo;
c. Haddii uu beelo maskaxda ama xanuun aan lala shaqeyn karin uu ku yimaado taas oo uu caddeeyay dhaqtar;
d. Haddii uu ka maqnaado laba kalfadhi ee Golaha Guurtida oo caadi ah iskuna xiga sabab la’aan.
e. Haddii ay Maxkamadda awoodda u leh ay ku cadayso argagixisanimo ama uu la leeyahay xiriir.
- Waxaa kale oo lagu lumin karaa sababaha kale ee uu tilmaamo xeer hoosaadka Golaha Guurtida DGGM.
Qodobka 71aad.
Awoodda Iyo Waajibadka Golaha Guurtida.
Waajibaadka Golaha Guurtidu waa sidaan:-
1) Ilaalinta dhaqanka suuban ee bulshada iyo dhawrista xeerarka la xiriira arimaha dhaqanka;
2) Xallinta khilaafaadka Beelaha iyo arimaha dib-u-heshiisiinta;
3) Doorashada Guddoomiyaha Golaha Guurtida iyo Ku-xigeenkiisa;
4) Dejinta Xeer-hoosaadka Golaha Guurtida iyo ansixintiisa;
5) U gudbinta Golaha Xukuumadda iyo Golaha Xeer-dajinta talooyin iyo tilmaamo ku saabsan hoggaaminta siyaasadda dhaqanka.
6) Soojeedinta xeerar ku saabsan dhaqanka, ka-talo-bixinta dhaliilaha maamul ee xukuumadda iyo ogeysiintooda Golaha Xeer-dajinta.
7) Ka-gacan-siinta xukuumadda arrimaha la xiriira diinta, nabadgelyada, difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada iyaga oo kaashanaya Wasaaradda Arimaha Gudaha.
8) Golaha Guurtidu waxa uu yeelanayaa Gudddi hoosaadyo, waxaana nidaamin doona xeer u gaar ah;
9) Waxa kale oo Goluha Guurtidu awood u leeyahay dhammaan awoodaha uu siiyay Dastuurka iyo xeerarka kale ee DGGM.
Qodobka 72-aad.
Golaha Culumada Diinta.
1) Waxaa jiraya golaha Culumada Diinta Islaamka ee DGGM.
2) Golahu wuxuu ka koobnaanayaa shan iyo labaatan (25) xubnood oo caan ku ah aqoonta Shareecada Islaamka.
3) Golaha waajibaadkiisu wuxuu noqonayaa in ay dowlada kala taliyaan arinkasta oo quseysa Shareecada Islamka.
4) Golahu waxuu caddeyn ka bixinayaa Masaa’isha Diiniga ah ee looga baahdo.
5) Golaha Xeer-dejinta ayaa soo saaraya Xeer gaar ah oo si faahfaahsan u nidaamiya awoodaha iyo waajibaadka Golaha Culumada Diinta ee DGGM.
Qodobka 73-aad.
Shuruudaha Xubinimada Golaha Culumada Diinta Islaamka.
Xubinta ka mid noqonaysa Golaha Culumada Diinta waa in:
1) Uu yahay caalim caabid ah.
2) Mad-habkiisuna yahay Shaaficiya (Ashcariya).
3) Uusan xiriir la yeelan argagaxisada qeybeheeda kala duwan.
Qodobka 74aad.
Garsoorka.
1) Garsoorku waa awood ka madax-bannaan hay’adaha Xeer-dejinta iyo Fulinta, wuxuuna hoostagaa Golaha Adeegga Garsoorka madaxabanaan ee DGGM.
2) Garsoorku waxuu dhaqangaliyaa Xeerarka JFS iyo kuwa DGGM.
3) Hay’adaha garsoorku waxa ay u madax-bannaanyihiin gudashada howlahooda waajibaad ee garsoor.
Qodobka 75aad.
Qaab-dhismeedka Garsoorka.
1) Garsoorka DGGM waxa uu u dhisanyahay habka heerarka kala sareynta garsoorka Maxkamadaha ee kale ah sida soo socota:
a. Maxkamadda Sare, oo ah darajada ugu sareysa DGGM.
b. Maxkamadaha Racfaanka ee darajada labaad ee Gobollada DGGM; gobol kastana waxa uu yeelanayaa Maxkamad Rafcaan.
c. Maxkamadaha darjada koowaad oo ka kooban Maxkamadda Degmada iyo tan Gobolka.
2) Gudoomiyaha Maxkamada Sare:
a. Waa Madaxa ugu sareeya hay’adaha Garsoorka;
b. Wuxuu Shir-guddoomiyaa shirarka Guddiga Adeegga Garsoorka.
c. Waxuu dabbaqaa Shareecada Islaamka iyo Dastuurka DGGM.
d. Waxuu awood u leeyahay go’aan-ka-gaarista waxkasta oo qilaaf Dastuuri ah oo ka dhex dhaca Madaxda DGGM.
2) Golaha Xeer-dejinta ee DGGM ayaa soo saaraya xeerka garsoorka, oo ay ku qeexantahay ikhtisaasaadka maxkamadaha.
Qodobka 76aad.
Hawlaha Garsoorka.
Garsoorku waxa uu u xilsaaranyahay waajibaadkan:
1) U garqaadidda dhinacyada;
2) Dhegeysiga dacwadaha;
3) Dhaqangalinta Dastuurka DGGM iyo Dasturka JFS, iyo Xeerarka DGGM iyo kuwa qaranka iyo Qawaaniinta Caalamiga ah ee JFS aqoonsantahay.
Qodobka 77-aad.
Shuruudaha Xubnaha Garsoorka.
Qofka Garsoore noqonayaa waa in uu yahay:
a. Muslim suni ah kuna dhaqma mad-habka Shaaficiyada;
b. Da’diisu kayareyn soddon sano (30).
c. Shahaado ka haysto Kulliyadaha Shareecada iyo Qaanuunka ama aqoon durugsan u leh Shareecada Islaamka.
d. Leeyahay dhaqan wanaagsan iyo karti xilgudasho oo howshiisa la xariirta.
La soco Qeybta 5-aad
Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade
Tifaftiraha Guud Ceelhuur.com