Xaaf Ducaale oo xilkii laga qaaday (Daawo Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaanada Galmudug oo maanta fadhi ku yeeshay Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa xilkii ka qaaday Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Fadhigan ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Barlamaanka waxaana ajendayaashii ka mid ahaa dhaarinta xildhibaan cusub Axmed Mire Faafaale, iyo mooshin kalsooni kala noqosho Axmed Ducaale Xaaf .

Xildhibaan Garaad Yuusuf oo ka mid ah 34 xildhibaan oo mooshinkan keenay ayaa barlamaanka ka hor akhriyey eedaha ay u jeedinayaa Madaxweynaha, waxayna xildhibaanada ka codsadeen in xilka laga qaado Axmed Ducaale Xaaf.

Dood dheer kadib gudoomiyaha Barlamaanka ayaa qaaday codka kalsoonida, waxa uuna sheegay in 47 xildhibaan ay kalsoonidii kala laabteen Axmed Ducaale Xaaf. inta Madaxweyne kale laga dooranayo uu xilka sii heyn doono Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.