Wasiirka Arimaha Dibadda Norway oo Muqdisho soo gaartay (Sawirro)

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo qaar kamid ah golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabduule kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide, oo maanta booqasho ku timid dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa soo dhawaynta kadib, waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre.

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood.

Ine Marie Eriksen Søreide oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celisay soo dhawaynta loo sameeyay, ayaa ammaantay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay ku tillaabsatay, isbedellada iyo dib-u-habeynta ballaaran ee ay dawladda Soomaaliya ka waddo hay’adaha dowladda si dalku u gaaro dib-u-kabasho dhamays-tiran. Kheyre oo heysta dhalashada Norway ayaa ah fuliyaha danaha Norway ka leedahay Soomaaliya.

Safarka Wasiiradan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay Golaha Shacabka ansixiyeen sharciga Batroolka, kaas oo fududeyna in la iibgeeyo shidaalka ku jira Soomaaliya.

Norway ayaa dalaal ka ah shidaalka Soomaaliya, iyadoo horey ku garab taagneyd Kenya qabsashada Jubbooyinka iyo Darbiga Kenya ka dhisayso xuduudda Soomaaliya si marinka xadda loo marsiiyo qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, halkaas oo ay Kenya iyo Norway doonayeen in ay ceelal shidaal ka qodaan, balse Kenya ayaa u muuqata inay ku hungowday kadib markii Norway ay taageeradeedii usoo weecisay Soomaaliya.

Sidoo kale safarka Wasiiradan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay Golaha Shacabka ansixiyeen sharciga Batroolka, kaas oo fududeyna in la iibgeeyo shidaalka ku jira Soomaaliya.